DF oo 'joojineyso' arrin ay dhibaato ku qabeen suxufiyiinta

0
Saturday October 31, 2020 - 13:16:45 in Wararka by
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo 'joojineyso' arrin ay dhibaato ku qabeen suxufiyiinta

    Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan waqtigiisa uu sii dhammaanayo ayaa ballan qaad u sameeyey dhammaan suxufiitiinta Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan waqtigiisa uu sii dhammaanayo ayaa ballan qaad u sameeyey dhammaan suxufiitiinta Soomaaliyeed.

Farmaajo oo ballan qaadkan ka sheegay kulan uu la qaatay suxufiyiinta aan xuduudda lahayn (RSF) ayaa sheegay in dowladdiisa ay dhiire-gelineyso xorriyadda saxaafadda.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ay joojineyso xarigga lagula kaco xilliyada ay shaqooyinkooda ku jiraan wariyeyaasha Soomaaliyeed, sida uu warbaahinta u sheegay xoghayaha RSF, Christophe Deloire.

Xoghayaha guud ee suxufiyiinta aan xuduudda laheyn (RSF) oo markii ugu horreysay booqasho ku yimid dalka ayaa yiri"Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo dhammaan dowladda cusub ee imaandoonta inay sii wadaan dadaallada lagu horumarinayo suxufiyiinta laguna dhiirrigelinayo soo bixitaanka saxaafad xor ah, madax-bannaan, lehna tayo sare,”.

 

Dhankiisa wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweeyey ballan qaadka u sameeyey madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay guul tariikhi ah.

Si kastaba, hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe ay soo kordhayeen xarigga au wariyeyaasha Soomaaliyeed kala kulmaan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyey xariggii ay hay’adda nabad sugida u geysatay wariye Cabdullahi Kulmiye Cadow oo ka mid ah suxufiyiinta caanka ah ee Soomaaliyeed.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip