Cabdifitaax Al-Sisi "Haddii Nebiga la aflagaadeeyo xorriyad hadal ma jirto"

0
Saturday October 31, 2020 - 12:50:00 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdifitaax Al-Sisi "Haddii Nebiga la aflagaadeeyo xorriyad hadal ma jirto"

    Carada laga muujinayay hadalladii meel ka dhaca ku ahaa Nabi Muxammad NNKH ee uu jeediyay madaxweynaha Faransiiska ayaa cirka isku shareereysay isbuucan. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Muslimiinta ayaa ka mid ah malaayiinta qof ee ka fal cel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Carada laga muujinayay hadalladii meel ka dhaca ku ahaa Nabi Muxammad NNKH ee uu jeediyay madaxweynaha Faransiiska ayaa cirka isku shareereysay isbuucan. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Muslimiinta ayaa ka mid ah malaayiinta qof ee ka fal celiyay arrintaas. Madaxweynaha dalka Masar Cabdi Fataax El-Sisi ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan mowduucaas, isagoo sheegay in hadal lagu weerarayo Nabiga uusan wax qiil ah lahayn.

"Xurriyadda hadalka way ka baxeysaa meesha markii markii Nabi Muxammad la caayo”, ayuu yidhi madaxweyne El-Sisi.

Isagoo ka jawaabaya sawirrada kartoonka ah ee uu wargeyska Charlie Hebdo ku aflagaaddeeyay nabiga NNKH ayuu El-Sisi sheegay in aan loo dul qaadan karin wax dhibaato u geysanaya dareenka dad tiradoodu gaareyso hal bilyan iyo badh.

Madaxweynaha Masaarida ayaa hoosta ka xariiqay inuu gabi ahaanba kasoo hor jeedo "qalalaase kasta oo loo sameeyo iyadoo lagu difaacayo arrimo diimeed ama astaamo muujinaya caqiido gaar ah.”

Dr Zakir Naik, oo ka mid ah shaksiyaadka ugu caansan bulshada muslimiinta dhexdeeda ayaa talooyin u jeediyay dadka sawirrada ku qeexaya Nabiga NNKH iyo waliba kuwa muslimiinta ah ee ka fal-celinaya labadaba.

"Waxaan leeyahay dadka kartoonka ka sameynaya Nabiga NNKH, maxaad taas baddalkeeda si daacadnimo ku jirto dood ula gali la’dihiin Islaamka?”

"Muslimiinta qalalaasaha ku fal-celinayana waxaan leeyahay, maxaad canbaareynta loo jeedinayo Islaamka uga jawaabi la’dihiin sababo iyo xikmad?”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip