Weriye lagu dilay dalka Mexico

0
Saturday October 31, 2020 - 12:41:24 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye lagu dilay dalka Mexico

    Weriye u dhashay dalka Mexico ayaa lagu dilay magaalada Ciudad Juarez oo u dhow xadka Mareykanka, sida uu Jimcihii sheegay Guddoomiyaha gobolka Chihuahua Javier Corral. Arturo Alba Medina waa weriyihii lixaad ee sanadkan lagu dilo dalkaas oo ah mid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weriye u dhashay dalka Mexico ayaa lagu dilay magaalada Ciudad Juarez oo u dhow xadka Mareykanka, sida uu Jimcihii sheegay Guddoomiyaha gobolka Chihuahua Javier Corral. Arturo Alba Medina waa weriyihii lixaad ee sanadkan lagu dilo dalkaas oo ah mid ka mid ah waddamada ugu halista badan adduunka oo ay ka howlgalaan weriyeyaasha.

49 jirkan oo ahaa weriye telefishan ayaa la dilay daqiiqado yar ka dib markii uu dhammaystay barnaamijkiisa habeenimadii Khamiista, sida ay sheegtay Hay’adda wariyeyaasha aan xuduuda lahayn ee RSF.

RSF waxay si joogto ah ula socotaa xaaladaha weriyeyaasha Mexico iyo weriyeyaasha kale ee ka howlgala waddamada dagaallada aafeeyeen sida Suuriya iyo Afgaanistaan iyo sidoo kale Filibiin oo ka mid ah waddamada adduunka ugu halista badan in Weriye ka shaqeeyo.

Waddankan ay la degeen musqmaasuqa siyaasadeed iyo ganacsiga halista ah ee maan dooriyaha ayaa halis ku ah in ay warbaahin ka shaqeyo, keliya tiro yar oo dambiyada noocan ah ayaa la soo qabtaa dadkii ka dambeeyey.

Horraantii Ogosto, weriye kale ayaa lagu diley gobolka Guerrero.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip