Maxkamad ku taalla Kenya oo xukuntay raggii ka dambeeyay weerarkii Westgate Mall

0
Saturday October 31, 2020 - 07:20:30 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad ku taalla Kenya oo xukuntay raggii ka dambeeyay weerarkii Westgate Mall

    Maxkamad ku taalla dalka Kenya gaar ahaan magaalda Nairobi ayaa laba nin oo loo heysto in ay ka dambeeyeen weerarkii Westgate Mall xukunay ka dib maalmo ay socotoy dhageysiga dacwadooda. Waxaa lagu kala xukumay 33 iyo 18 sano oo xarig ah kaalintii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taalla dalka Kenya gaar ahaan magaalda Nairobi ayaa laba nin oo loo heysto in ay ka dambeeyeen weerarkii Westgate Mall xukunay ka dib maalmo ay socotoy dhageysiga dacwadooda. Waxaa lagu kala xukumay 33 iyo 18 sano oo xarig ah kaalintii ay ku lahaayeen weerarkii sanadkii 2013-kii ee lagu qaaday Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasi oo ay ku dhinteen 67 qof magaalada Nairobi.

Ragga la xukumay ayaa kala ah Maxamed Axmed Cabdi iyo Xusseen Xassan Mustafa ayaa loo haystaa in ay gacan siinayeen Al-Shabab.

Garsooraha maxkamadda sare Francis Andayi ayaa labadan nin ku xukumay 18 sano oo shirqool maleegid ah iyo 18 sano oo ay ku kuteysteen taageerada ay siiyeen argagixsada.

Maxamed Axmed Cabdi waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi dheeri ah ka dib markii lagu helay dambi ah in uu haystay agab caawiyay Al-Shabaab.

Labadan nin oo muddo toddobo sano ah ku qaatay xabsi ayuu Andayi sheegay in sanadahaas laga jari doono xukunnadooda.

Waxaan wali la ogeyn halka uu ku sugan yahay eedaysane saddexaad, Liibaan Cabdullah Cumar, oo horraantii bishan October ay maxkamaddu ku weysay wax dambi ah. Liibaan ayaa waxaa kaxaysatay dabley hubeysan oo aan la aqqoonsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip