Trump" Ilhaan Cumar waxay jeceshahay Yemen laakiin ma Jecla dalkeena "

0
Saturday October 31, 2020 - 07:18:30 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump" Ilhaan Cumar waxay jeceshahay Yemen laakiin ma Jecla dalkeena "

    Madaxweynaha Mareykanka DonaldTrump ayaa weerar afka ah ku qaaday xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaanada Congareeska Mareykanka ka dib markii ay dhawaan ku eedeysay in Madaxweynaha uu qeyb ka yahay siyaasadda Arrimaha dibada ee fashilan g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka DonaldTrump ayaa weerar afka ah ku qaaday xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaanada Congareeska Mareykanka ka dib markii ay dhawaan ku eedeysay in Madaxweynaha uu qeyb ka yahay siyaasadda Arrimaha dibada ee fashilan gaar ahaan xaaladdaha dalka Yemen. Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in Ilhaan Cumar iyo Joe Biden oo ah Musharaxa la tartamaya ay doonayaan in dad muhaajiriin ah ay soo galiyaan Mareykanka.

"in 700% la kordhiyo qaxootiga laga soo qaado meelaha ugu halista badan ee argagixisada meel kasta oo adduunka ah oo ay ku jiraan Syria, Somalia, waa siyaasadda Ilhaan Cumar iyo Biden” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Xilli uu la hadlaayay taageerayashiisa Madaxweyne Trump wuxuu aad ugu soo celceliyay magaca Ilhaan ilaa ay ku buuqaan tageerayaashiisa.

” Ilhaan Cumar Waxay Jeceshahay Yaman Laakiin Ma Jecla Dalkeena ” ayuu mar kale yiri Trump.

Khilaaf xoog leh oo dhanka Siyaasada ah ayaa ka dhex taagnaa Madaxweyne Trump iy Ilhaan Cumar dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip