GANACSADE BASHIIR RAAGE OO TAAGEERAY XUKUUMADDA CUSUB SHACABKANA UGU BAAQAY IN AY LA SHAQEEYAAN

0
Sunday October 25, 2020 - 18:31:54 in Wararka by
  • Visits: 1511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GANACSADE BASHIIR RAAGE OO TAAGEERAY XUKUUMADDA CUSUB SHACABKANA UGU BAAQAY IN AY LA SHAQEEYAAN

    Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo ka mid ah Ganacsatada dalka soomaaliya sida weyn looga yaqaano ahna siyaasi u tartamay sanadkii 2017kii Tartankii Madaxweyne nimo ee dalka soomaaliya ayaa waxaa uu si weyn u taageeray dowladda soomaaliya ee uu mada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo ka mid ah Ganacsatada dalka soomaaliya sida weyn looga yaqaano ahna siyaasi u tartamay sanadkii 2017kii Tartankii Madaxweyne nimo ee dalka soomaaliya ayaa waxaa uu si weyn u taageeray dowladda soomaaliya ee uu madaxweyn aha ka yahay Md. Maxamed C/hi Farmaajo iyo R/Wasa araha cusub ee Dalka Md. Maxamed Xuseen Rooble & Xuk uumadda la ansixiyey 24ka Oktoobar 2020-ka Haddaba Ganacsadaha oo Barnaamijka xog Wareysi ee ka Baxa Raadio Kulmiye ee M/Muqdisho lagu Wareystay Habenkii Axmadda ee 24-ka Oktoobar 2020-ka Waxaa uu u dhacay sida tan: Ganacsadaha ayaa ka dalbaday in lala shaqeeyo xuku umadda cusub ee R/W/Roobel isagoo ku tilmaamay inay ta hay mid cusub oo dooneysa inay dalka wax ka qaban karto haddii la siiyo fursad ay ku shaqeyso ay leeyihiin mudnaan ay ku gaarsiin karaan dalka guula waaweyn waxaana uu ka waramayaa wax uu ku Arkay xukuumadda cusub iyo wax uu u dalbaday muddo kordhin xitaa haddii loo baahdo. wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sida tan:- Bismilaahi Raxmaani Raxiim.Ilaaheey Abshirta hana wa afajiyo, waxaan ku daraa marxaladda maanta aan ku sugan nahay yididdiilo aan caadi aheyn oo fiicanaa aniga isoo ga shay iyo waliba farxad aan caadi aheyn, waxaana Nombar ka ugu horeeya Primo Maneystarka uu Magacaabay, Madxw eynaha Dalka JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo ,Waa la soo kaxeyey Qolyihii Baarlamaanka oo beryahaanba aan iska Jeclaa Sida ay u shaqeynayaan waa la hor keenay, si buux da oo aan shaki laheyn ayey ku Baaskareeyeen, waxayaba ha aan ku taageersanahay ayey ka mid tahay oo aan wal iba aad aan u soo dhaweynaayo ayuu yiri Md. Bashiir Isagoo intaa ku daray Golihii Wasiirada Markii uu Maga caabay R/Wasaare Rooble ayuu haddana u Celiyey Golaha BFS oo haddana uu hordhigay , si Aqlabiyad ah ayeyna u Ansixiyeen, Shacabka Soomaaliyeed aad iyo aad bay ugu fa rxeen waxa Maanta ka dhacay Baarlammaanka ayna ku soo dhaweynayaan Dowladda Jirta ee Madaxweyne Farmaajo R/W,Rooble iyo Guddoonka Baarlammaanka sida xilkasnim ada leh ay Muujiyeen.

           Su'aal KNN :- Marka Bashiir Raage :-R/Wasaare waa la magacaabi jiray , Baarlamaan inta la horgeeyo ayey Cod kalsooni leh siin jireen weliba tirada R/W. Rooble inta ay siiyeen in ka badan, Gole Wasiro inta la hor geeyo ayey Cod siin jireen Maxaa weeye yididdiilada ,Farxadda iyo Qalbi wanaagga ka duwan kuwii hore ee aad Maanta Muujineyso?

           Jawaab:- Waxaa ka duwan Marxaladda aan maanta mareyno ee anagoo soo daalnay oo waqti Cajiiba la gu jiro iyo sida ay u gunaanadaayan ayaa nala fiicnaatay oo aan khilaafka laheyn, Waxaa marka soo har tayoo codsigeyga uu yahay Shacabka Soomaaliyeed Waxaan ka rajeynayaa inay si gacmo furan oo walaalnimmo & Fiicnaan leh u soo dhaweeyaan lana shaqeeyaan

         Su'aal KNN :- R/wasaaraha iyo xukuumaddiisa waxaa u harsan muddo 100 Maalmood oo ay maalmo yari la jiraan, 100-kaas Maalmood iyo Marxa ladda dalka ka jirta oo ah mid adag oo waqti kala guur ahna lagu jiro maxaad is leedahay way qaban karaan isaga iyo xukumaddiisa ?

           Jawaab: "100-kaas Maalmood waxay u baahan yihiin Wada Shaqeyn shacabka inay helaan waana ku rajo weynahay inay ka heli doonaan" ayuu yir Gancsade Bashiir Raage

         Su'aal KNN :-Maxaa ugu waaweyn oo aad is leedahay muddada kooban ee aad heystaan meelo kale haku Mashquulinee 1 iyo 2 xoogga saara?

        Jawaab:-waxaaya xoogga saarayaan wax kasta wixii fiican ee shacabku daneynayaan.

        Su'aal KNN :- Maxaad adigu daneyn laheyd oo kula habboon oo aad dhihi laheyd is dul taaga?

           Jawaab:-Waxaan u kala hormarin lahaa Amniga,Caddaaladda Eex-la'aanta, dadka inay simaan,oo ay Mideeyaan ummada soomaaliyeed, sida ay u shaqeyn laahyeen Alle ayaa wax ka dhigi kara Aniguse Sidaas inay wax ku qabtaan ayaan rabaa.

         Su'aal KNN :- Ma waxaad is leedahay intaas 100 Cisho waa lagu Qaban Karaa?

Jawaab:-haddii ay helaan garab waa lagu qaban karaan 100 Maalmood, Waliba xita shacabku waxaan kuu sheegaa in intaas kaliya kuma eka, haddeey Shacabka ku arkaan Yididdiilada Muuqato iyagaaba Dalban doona in waqtiga loo Kordhiyo iyaga iyo dowladdooda iyo Baarlamaanka shacabka ayey ka ima aneeysaa,hadde laakiin sidii hore jidkii hore ay maraan shacabka wuu iska diidi doonaan.

            Su'aal KNN:-Adiga Ma qabtaa in waqtiga loo kordhoyo?

            Jawaab:-Waqti in loo kordhiyo iskama qabo, Waxaan qabaa laakiin Ficilka ka imaankara raggaan maanta oo dhiiga cusub wata waxa ay qabtaan 100 Maalmood

       Su'aal KNN:-Raggaan aad leedahay waay cusub yihiin aad leedahay dhiig cusub weeye yaa weeye?, Madaxweyhaha waa kii 4 Sano Dadkaan soo arkeen oo ay Bilo ugu harsan tahay, Golaha Wasiirada waxay u badan yihiin Raggii 3 Sano iyo dheeraad ka ah shaqeynayey, Agaasimayaashu waa isla kuwii , Saraakiisha Ciidanka waa isla kuwii , Marka dhiiggaan cusub ee aad leedahay fursad hala siiyo oo hala Tijaabiyo waa kuwee?

Jawaab:-Dhiiga cusub wuxuu ka imaanayaa Primo Maneystarka iyo Madxweyne is fahamsan,dadka nabadda Jecel, Xildhibaannada Xilkasnimada Berya haan danbe bannaanka soo dhigtay intaasey kaashanayaan.

           Su'aal KNN:-Dadka Soomaaliyeed waxaay ku jiraan xaalad adag, waxay marayaan dhibaatooyin muddo 30 sano ah oo sanad walba weji cusub iyo meel cusub gaarayey , dowladda soomaaliyeed way taageereen, waxaay u dulqaateen in waddooyinkii laga xiro, waxay u dulqaateen inay lacag bixiy aan xuquuqdooda oo maqan, inay dowladda is garab taagaan intaaba wax waa ku waayeen, hadda markii aad leedahay R/W. Cusub hala barbar is taago hala siiyo fursad idinkey idin ka go'daa inay dowladda sii shaqeyso iyo Baarlammaanka maxaad is leedahay intii hore ee la soo barbar istaagay ama xoog iyo xoolaba la geliyen shacabka waxna ka waayeen waa uu ka beddelen yahay?

      Jawaab:-Waxaan ula jeedaa waxaa la yiri {Hashii Bil Soontay Beri Kuma Dari Weyso waa {Maahmaah Soo maaliyeed}}, intaad ogeyd oo ay soo dulqa ateen oo saas loogu kor tumanayey intaan yartaa Calooshooda ha furaano in ilaaheey Faraj kheyr qaba furo aa dhici karta taaseyna u badan tahay saan Aniga Qiyaasayo, laakiin inay Calooshu Noqoto Caws Daahira oo soomaalinnimo ah ayey u bahan tahay ,intaas waaye waxa aan ku talinaayo way jirtaa in kursiga ninkasta oo mucaarad ah {Kandaly ah wuxuu ku riyoonayaa ama uu rabaa inuu meesha tago hase yeshee inuu tagayo iyo in kale allaa Og , waxa shacaba taabanayo ma yihiin mise ma aha wax aan taabaneyn 100kaas Bari oo Tijaabada ah in la galaan rabaa Nimankaan maanta la keenay oo dhiigga Cusub ahna in 100kaas Bari ay ku Xisaabtamaan waxa ay qabanayaan ayaa la rabaa haddii ay jidkii hore oo 3sano iyo barka bacdi faashil uu ku soo dhammaaday ay maraana kuwii hore jidkey mareen ayey mari doonaan, haddeey ay wixii hore wax ka duwan keenaana shacabka waa ka fiirsando onaa aad ayuuna ugu fiirsan doonaa, waayoo shacabku Kursiga Fadhiisan Maayaan hal Nin ayaa Fadhiisnaya 21 iyo 31 ayaa Kndilyd ah , Qof Moogu ma Jirto cidda imaandoonto laakiin shacabku waxaay daneynayaan yaa ummadda wax u qaban kara ,ama u qabanaya ,taas waaye waxa ay shacabka daney nayaan. Ayuu yiri Md. Bashir Raage

    Su'aal KNN :-Warkaaga waxaa ku jirtay waliba inaad dhowr jeer aad ku soo Cel-celisay isla waqtiga kooban aad ila hadleyso, waxaan ku qanacsanah ay sida ay maalmahaan danbe u shaqeeyaan Baarlammaanka Maxaa weeye waxa Qurux ee aad ka dhex Aragtay fadhiyada Baarlamaanka Maalmahaan?

Jawaab:-Waxaas hore ayaan u sheegay Wiilkeygiyoow haddaad og tahay Baarlammaanka Waxyaabaha ay naga badbaadiyeen aad og tahay oo taabana yay Diinteen, Nasabiyaddeenna iyo fiicnaanteeeda waxa ay inaga Badbaadiyeen oy dadka Bakhtiga ah ay keeneen waad og tahay oo ay laaleen oo ay xit aa isku dili gaareen, see loo keenay Baarlamaanka oo ay isku leyn gaareen waxyaabaha aan lagu ilaabi karineey ka mid tahay,waxaadna moodda Baarlam aanku inuu beryahaan dambe uu la soo baxay si niyadsami ah oo kalsooni leh oo ay shacbiyad ku kasbadeen aanna ugu Duceeyey Alle inuu Adduun yada kheyr siiyo Aakhiradna Kheyr Alla ha idin siiyo.jannada alle ha idin geeyo. Bulshada ayaa haddey Jecleystaan waxyaqbadkeeda iyagaa Bannaabax Ta ageero ah u dhiagaya oo dhahay haloo kordhiyo waqtig haddii ay waddadii hore raacaan iyagaa iska diidaya, marka Baarlamaanka waxaana iiga Muu qda jidkii aan Beri dhoweyd aan ku soo arkay ayey ku dhaqmeen wax wanaagsan ayeyna sameeyeenmarka halala shaqeeyo ayaan bulshada ugu baaqa yaa .

        Su'aal KNN :-Laakiin wax badan oo ay qaldeen baa jirta soow maaha, oo ah mid Amni,mid dhaqaale iyo iyaasadeed ahba geliyey ilaa haddan uu ka kaban la'yahay oo ay Baarlamaanka sabab u ahaa?

       Jawaab:- waxa ay qaldeen waa wax yar waxa ay qabteen ayaana ka badan waxaana ugu duceeyey badb aadii ay Diinteen iyo Nasabyadeena u same eyeen oo ay laaleen wixii Baarlamaanka la horkeenay oo Bakhtiga ahaa ayuu yiri Md. Bashiir Raage

       Su'aal KNN:- Manala wadaagi kartaa inta aad ku dhaliilsan tahay Baarlamaanka ka dib markii aad sheegtay waxyaabaha aad ku taageersan tahay?

          Jawaab:- Maanta warkeygu waxaa uu ku saabsan yahay horaan kuugu sheegay wiilkeygiyoow waa taageerada Xukuumadda Cusub iyo Ninkaan la yiraahdo Rooble Xukuumadiisa cusub iyo sida ay Baarlamaanka codkooda u siiyeen ,waxaana qabaa inay 100 Maalmood wax badan ku qaban karaan walibana Bulshada Jecleystaan, waxaana Dowladda Cusub ka Rajeynayaa inay u Tafo Xeytaan wax qabadka dalka iyo dadka soomaaliyeed oo ay Masu uliyadda u hayaan, walibana shacabka ayey ka imaankartaa inay haddii waxqabadooda la arko ay u riyaaqaan inay dhici karto in shacabku yiraahdaan wa qti aha loogu daro xukuumaddaan anagaa rabno waa wax ay awood u leeyihiin shacabka weyna ka heli karaan , hase yeeshee haddii ay waddadii hore qaadaan ay dhaceyso in shacabka iska Diido. ayuu yiit Md. Bashiir Raage Shiiraar

            Su'aal KNN:- Bashiir Raage  Nin la yaqaano oo bulshada Soomaaliyeed ay ugu dharagsan yihiin baad tahay mana ahyen Nin hadla oo warbaa hinta ku badan sanadihii ugu danbyey hadda caawana warkaaga waxaa ku jirto in aad ku Qanacsan tahay Dowladdaan iyo sida ay shaqeyso, Rabtana inay wali sii joogto, maxaa weeye waxa caawa kaa hadalsiinaayo oo aad sidaa ugu ammaaneyso dowlad dadkeedii in badan oo ka mid ah Tabasho ka qabaan?

           Jawaab:-Waxaa iga hadalsiinaya Mucaarad xummoo joogta ah oo Cilmi ku Dhisneyn oo wax ka imaan doona aan la ogeyn xabbad ku falimaayo ee Anigu waxaan rabaa si Waadix ah oo dhab ah oo dalka iyo Dadkaba Anfacaya ayaan Rabaa, oo dadka iyo Dalkuba iskula Jiri karaan intaas ayaan Ra baa wax kale ma rabo Anigu ayuu yiri Md. Bashir Raage Shiiraar

     Su'aal KNN:- Mucaaradku waxbeey Saxaan mooyee wax Dhaliil ah oo ay leeyihiin lagama sheegin ,laakiin qaladaadki ay arkaan bay soo badhigaan oo Adiga iyo qaar kula mid ah oo aadan arag bey soo Badhigaan?

              Jawaab:- Maya Anigu Eed waa Ujeedaa Laakiin Eedda la soo badhigaayo waa inay Eed Nuxur leh ay tahay oo la taaban karo,,laakiin Eed Meel ay u Jeeddo iyo Meel ay ka Jeeddo aan la garaneyn Aniga Shuqul Kuma Lihi, Anigu waxaan Shuqul ku Leeyahay Shacabkaa Masaakiinta ah oo Dhibban in loo Furo Jid ay ku Baraaraan oo ay ku Fiicnaadaan ayaan rabaa ,Rooble waa Nin cusub waxaan rajeynayaa inuu howshaas wax ka qabto ayuu yiri Bashiir Raage.

Su'aal KNN:- Rooble ka hor ma Aamisan tahay inay Qaladaad Jireen?

             Jawaab:- Qaladaad waxaa jiray Far-Far ku Fiiq ah , Far-Far ku Fiiqna anigu ka Jawaabi maayo , Adaa Ahaay iyo Adaa ahaay Shuqul kuma lihi    Jawaab:-Anigu, waxaan Rabaa annagu meel aan og nahay oo dhaweyn ay aan ka soo bilownay oo aan la sheegi karin, dadku iskuma Darna marka wa xaan rajeynaa inay Dowladdaan si fiican u sheyn dooto waxaan leeyahay Hambalyo, Xidhibaanada waa u Hambalyeynayaa Dowladda waa u Ham balyeynaa Rooble waan u Hambalyeynaa 100- Bari hala Shaqeeyo Dalka iyo Dad kana wax haloo qabto, Shacabku labow mid noqonayaa ama Bann aanka inta u soo baxaan ay dhihi doonaan kuwaan nalagama beddeli karo, ama waxaay dhihi doonaan kuwii hore meeshey mareen ha Maraano ma Ra bnee, 2daas ayaa Maanta is garab taallo ragga inay ka shaqeeyaan la raban waa iyaga ayuu yiri Bashiir Raage.

            Su'aal KNN :-Dowladdaan aad ka hadleyso ee aad wanaageeda tilmaameyso waxaa madaxweyne u ah Maxamed C/hi Farmaajo,Wanaag kasta isag door u ah , dhibaata kastan isagaa aabbe u noqonaya een maadaama madaxweynihii qaranka loo doortay oo dalka iyo dadka Matala uu yahay oo muddo 3 sano iyo dheeraadka ah ee uu joogay waxaa la dhiibay Qalbi Dhagax,Waxaa la weeraray Prof. Jawaari,C/raxmaan C/Shakuuraa la weearay, Ca bdi Qeyb diidaa la weeraray,Guddoomiyihii G.Banaadir Md. Taabid ayaa la weearay 4 Sano ku dhawaad dadkaan go'doon bay ku jireen, dad badanaa la dilay markaa ma waxaad leedahay Dadkaan Somaaliyeed ee dhibaatada wajahayoow, waliba maamul goboleedyada qaar la Dumiyey, war ciidammo la dul geeyey illaa iyo hadda ku dhibban yihiin waxaad heystan dowlad fiicane hala taageero?

             Jawaab:-Waxaan u maleynaayaa in aad warkeyga sidaan u sheegay iyo sidaad sheegaysid ay kala duwan yihiin,Soomaalidu ma Taqaanno waxa la yiri " illeyn Mugdi Cawo Maaha ee waa meel aan la aqoonin" ayaa lagu maahmaahaa, Soomaalida runtii waxaan kuu sheegaayaa siyaasiyiin waaye la leeyahay waa dad aan Feker ka qabin Siyaasadda ,{Siyaasaddu Waa Run Sheegid, isa soo dhawaansho, isla Jirid iyo wax wada qabsi waaye siyaasaddu ,laakiin siyaasaddu ma aha in la is dhibo, Afarta Beynu Jaho inta la isaga yimaad gadaal la iska caayo ma aha, waddankaan wuxuu u baahan yahay dad Raxiim ah oo isla shaqeeynaaya oo is jecel oo wanaagsan Aniga waxa aad ii shegeyso waa qaladaad dhacaylaakiin ma waxaa la leeyahay waxbaa dhacay sideey u dhaceen mise waxaa la leeyahay sidee loo xalliyaa oo looga gudbaa. ayuu ku jawaabay Gancsade Bashiir Raage shiiraar Raage

Barnaamijka Xog Wareysi:-



 

Xigasho:- radiokulmiye.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip