LUUQA: KADHIMEEY KADHIM !!! =Faallo siyaasadeed=

0
Monday October 05, 2020 - 15:24:41 in Wararka by
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LUUQA: KADHIMEEY KADHIM !!! =Faallo siyaasadeed=

    Muddo hadda laga joogo 82 Sanno, waa Sannadkii 1938dii Mogadishu waxaa lagu qabtay Tartanka Baabuurta, Nuuca Shirkaduhu ey ku tartamaan ee Halkaa wade oo kaliyihi saaran yahay. ( F.S:1aad) ma isleedahay Sawirkaasi waa Xamar?. Tartankaa oo loo yaqiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo hadda laga joogo 82 Sanno, waa Sannadkii 1938dii Mogadishu waxaa lagu qabtay Tartanka Baabuurta, Nuuca Shirkaduhu ey ku tartamaan ee Halkaa wade oo kaliyihi saaran yahay. ( F.S:1aad) ma isleedahay Sawirkaasi waa Xamar?. Tartankaa oo loo yaqiin ( the Grand Prix of an African City) ,waxaa qabanqaabiyay Gudoomiyihii Gobalka ee waqtigaa Mr. Francesso Saverio Caroselli. Taa oo aheyd tartankii Circuit of Mogadishu. Dad ka badan 10.000 Qof ayaa safnaa wadadii la dhihi jiray " Corso Vittorio Emanuele, oo markii Dambe loo bixiyay waddada Viale Somalia. Taalada Umberto II ee dhinaca Barri ee Xarunta Gobalka Banadir. Tartan kaa la mid ah ayaa dhacay 1939, laakin kii la filayay 1940 waxaa hor istaagay Dagaalkii 2aad ee Aduunka.

Nasiib wanaag Tartankaa wax Shil ahi kama dhicin, Baabuurka Kaalinta 1aad galay ee ” Alfa Romeo 1750″ ayaa ku guuleystay 111km/Saacadii. kaalinta 2aadna Lombardi oo ku guuleystay 1500cc, Ciccotti ayaa isna ku guuleystay Tartanka Gaadiidka Dalxiiska ee FIAT Bolilla. ( F.S: 2 &3aad). Guud ahaan tartamayaasha oo 7 wade ahaa 2 ayaa Somali aheyd.

 
Kadibna waxaa xigay Tartankii Moto dhugdhugleeyda, 1950- 1954. ( F.S:4aad) kadibna tartankii Bushkaleetiga oo uu ku guuleystay Nin Somalia oo la dhihi jiray Mr. Rage Tifoow.
Si kastaba Baabuurkii Tartankaa ku guuleeysatay 82 ka hor waxaa la dhigay Halka Taariikhda lagu keeydiyo ee Dalka Talyaaniga, si Taariikh ahaan loogu keydiyo, ogoow Daawashadiisa Lacag ayaa lagu bixiyaa hadda, haddii Anagga nalooga tagi lahaa siduu noqon lahaa? ( F.S:5aad).
 
Qoraalkaa Taariikheed ayaa leh, Saddax xagalka Mogadishu- Janaale – Jowhar ( Ex-Banadir) waxa uu ahaa mid aad u dhaqaala badnaa waqtigaa iyo kan Africa ugu gaadiidka badnaa waqtigaa ” Qofkii/Baabuur” waxaa tiil 3000 Gaadiid ah 1939kii.
 
Waqtigaa hore haddaan ka soo tagno, Taxi yadii Nidaamka lahaa maba jiraani ( F.S: 6aad) Maanta ma qaban karnaa Tartanka Bajaajka ( F.S: 7 & 8aad) . Haddii aan isku dayno Tartanka Bajaaj, wadada ayaanba leheeyn Nabad lagula tartamo, Dhagxaan ku go’an iyo Nidaam la’aan maritaanka waddada.( F.S : 9 &10aad).
 
sug sug aaway Tareenkii Mogadishu ee 1924-1942dii?. ( F.S: 11aad). Somaliya dhinaceey u socotaa ma hore hore mise gadaal gadaal, yaa ugu jiro luuqa Kadhimeey kadhim.
FG: wixii ka dhiman ku dar, wixii aan ka tagayna ku dar, wixii aan khalday iga sax.


Qore:- Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip