Dhibanaha 1aad ee Somaliya. ( Asgari).

0
Wednesday September 09, 2020 - 22:55:13 in Wararka by
  • Visits: 1677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibanaha 1aad ee Somaliya. ( Asgari).

    Bani Aadamku inta Taariikhdiisu soo jirtay, waxa uu lahaa Ciidan difaaco deegaanka ey ku noolyihiin, si uu isga ilaaliyo Cadawga gudaha iyo Dibadaba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bani Aadamku inta Taariikhdiisu soo jirtay, waxa uu lahaa Ciidan difaaco deegaanka ey ku noolyihiin, si uu isga ilaaliyo Cadawga gudaha iyo Dibadaba.
     Nafleeyda kale kuwa waaweeyn iyo Xashaardka yar yar badankoodu waxa ey leeyihiin Ciidan ilaaliyo deegaankooda kana difaaco Noolaha kale.
 
Somalia waxa ey leheeyd Ciidan ka difaaco Cadawga Dibadda iyo kan Gudaha. Asgarigu waxa uu Xaq u leeyahay in uu helo Xuquuq u dhiganto tan Bulshada inteeda kale ey leeyihiin, La’aantii Bulsho ma huruumarto, Nabadna kuma seexato.
           Asgari Somaligu waa kan ugu Dhakhliga yar Bulshada Somalida. Malahan deegaan ama xarun joogta ah oo uu ka shaqeeyo, isga marba deegaan ayaa loo bedelaa, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa inta badan lama joogyo, haddii la bedelana kama haraan Aabahood, taasi waxa ey keentaa in Caruurtoodu Mushaar yarada ka sokoow eynan waxbarasho xiriir ah helin, ama uuna helinba fursad wax barasho , waxa ey ku nool yihiin safar joogta ah.
            Qooysaska kale, Asgarigu waa ka Caruur badan yahay, kuligoodna kharjka wax barasho kama dhiibi karyo. Qooysaska Ciidamada waxaa ku badan furiinka, macnuhu ma ahan in uuna Xaaskiisa jecleeyn ama uuna Qooyska hogaamin karin, laakin badaa waa arrimo dhaqaale. Furiinka badan ayaa keenayo, Guur badan oo ka dambeeyo iyo Caruur badan oo kala Hooyo ah.
             Agoonta ugu badan waxaa dhalay Ciidamada, sababta oo ah waa shaqo Fursadaha dhimashadu ey ku badan yihiin. intaa waxaa u sii dheer waxa uu ku noolyahay nolol adag, Maalin iyo Habeen waxa uu ku raran yahay Culeeys, isaga oo joogo Cimilo ey adagtahay in qofku u adkeeysto.
Sidaas oo ey tahay, ma ahan sida Ciidamadii hore ee Bulsha dhaxdeeda Xushmadda ku lahaa. Hadda Bulshada uu Cadawga ka ilaalinayo iyo Cadawga uu ka ilaalinayo labaduba ma jeclo. Labada dhinacba waa ku dhiban yahay. waxaa u sii dheer Ciidano Ajnabi ah oo shaqadiisii hayo, kuwaa oo ka dhaqaale Badan, laakin isagu uu ka wax qabad badan tahay, waxaa uu u dul qaataa Yasidda ey yasayaan Ciidamadaa Ajnabiga ihi, Haddii uu dhinto Xuquuqdiisu halkaa ayeey ku egtahay, Haddii uu dhaawacmana badanaa ma helo daryeelkii uu u baahnaa.
             waxaaba laga yaabaa in Cadaalad daro kale uu ka sii tirsanayo isla Ciidamda dhaxdooda. taasi waxa ey dhalin kartaa in uu dhumiyo Wadaniyadiisii iyo Gudashada waajibkiisa.
FG: Diinteeno waxa ey na faree ” Qof kasta oo Xaq leh in xaqiisa la siiyo ". waxaa haboon in Asgariga aan siino Xushmadda uu mudan yahay, Mushaarkiisana in aan ka dhigno mid u dhigmo Howshaa muhimka ah ee uu noo hayo, isaguna ha noqdo Asgari guto waajibka saaran kana shaqeeyo Maslaxadda Shacabka.


Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip