Musharax Joe Biden oo booqday Nin Madow ah oo Todobo xabadood lagu tiriyay

0
Friday September 04, 2020 - 19:24:02 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Joe Biden oo booqday Nin Madow ah oo Todobo xabadood lagu tiriyay

    Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ah ee Joe Biden ayaa qadka telefoonka kula hadlay Jacob Blake oo ah ninkii madowga ahaa ee ay booliska dhabarka kaga toogteen magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin taas oo horseedday dibadbaxyo ballaaran. Mr Blake,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ah ee Joe Biden ayaa qadka telefoonka kula hadlay Jacob Blake oo ah ninkii madowga ahaa ee ay booliska dhabarka kaga toogteen magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin taas oo horseedday dibadbaxyo ballaaran. Mr Blake, oo isbitaalka yaala isagoo curyaan ah ayaa Joe Biden u sheegay inuusan marnaba isdhiibii doonin hadii uu marlabaad cagigiisa ku socdo iyo haddii uu toos u curyaamamaba. Biden ayaa ka hadlayay kulan ka dhacayay kaniisad ku taalla magaalada ay toogashada ka dhacay. Dhanka kale madaxweyne Donald Trump ayaa isna Talaadadii booqday magaalada Kenosha.          Trump ayaa qiimeyn ku sameeyay burburka soo gaaray goobaha ay saameeyeen mudaaharaadyada gilgilgay magaalada Kenosha kaddib toogashadii Jakob Blake oo ay booliska 7 xabadood dhabarka kaga dhufteen.

        Hase yeeshee madaxweyne Trump lama uuusan kulmin qoyska Blake waxa uuna sababta ku sheegay iney doonayen in qareennada ay goobjoog ka ahaadaan boqashadiisa. Gobolka Wisconsin ayaa ah gobol aad muhiim ugu ah doorashada madaxtinimada ee Mareykanka.

       Trump ayaa dirayay farriimo isdaba joog oo ah in kala dambeynta magaalada la ilaaliyo hase yeeshee Biden ayaa madaxweyne Trump ku eedeeyay inuu sii hurinayo khalalaasaha ku qotoma midabtakoorka iyo kala qeybsanaanta shacabka reer Mareykan.

Barasaabka gobolka Wisconsin Tony Evers ayaa sheegay inuu door-bidi lahaa ineysan gobolka iman, musharax Trump ama musharax Biden




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip