Xidhibaan Jeesow oo ku baaqay in xabsiga la dhigo Axmed Madoobe

0
Thursday September 03, 2020 - 18:42:45 in Wararka by
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhibaan Jeesow oo ku baaqay in xabsiga la dhigo Axmed Madoobe

    Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya inuu xabsiga u taxaabo madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe. Xildhibaan Jeesow oo si weyn uga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya inuu xabsiga u taxaabo madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe. Xildhibaan Jeesow oo si weyn uga soo horjeedo maamulka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe inuu dad badan diley. "Madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeeyay afartii sano ee aad dalka xukumeysay jecel dalka wanaagiisa Tixgali cadsiga intaan Meesha fadhisa Axmed Madoobe Xabsiga ha u hoydo." ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo maamulka Axmed Madoobe si weyn uga horjeeda. Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in Axmed Madoobe uu yahay dembiile dad badan laayey ayna dacwad ka taallo, loona baahan yahay inuu wajaho Cadaalada. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sidoo ku eedeeyey Axmed Madoobe inuu si xaq-darro ah iyo awood ku heysto xilka Jubbaland, isla markaana la gaaray xiligii shacabka laga hor wareejin lahaa. Madaweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho jooga maalmahan si uu uga qeyb shir lagu wado inuu u furmo madaxda Dowlada Federalka, Jubbaland iyo Puntland, kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka iyo qaabkii ay u qabsoomi lahaayeen.     .......


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip