Weerar Bambaano oo lagu qaaday Mid kamid ah Xarumaha Wasaaradaha Somaliland

0
Thursday September 03, 2020 - 18:38:56 in Wararka by
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Bambaano oo lagu qaaday Mid kamid ah Xarumaha Wasaaradaha Somaliland

    Wararka laga helayo Magaalada Boorama ee degaannada Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay weerar bambaano oo dhaliyay khasaaro kala duwan xalay lagu qaaday Xarun Wasaaradda Maaliyada Soomaaliland ku leedahay Magaaladaas. Weerarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Magaalada Boorama ee degaannada Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay weerar bambaano oo dhaliyay khasaaro kala duwan xalay lagu qaaday Xarun Wasaaradda Maaliyada Soomaaliland ku leedahay Magaaladaas. Weerarkaasi bambaano ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhaawacmay mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda ee Xarunta ku sugnaa sidoo kale qeyb kamid ah darbiga kore ee Wasaaradda uu burbur soo gaaray. Guddoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga Waddani Cabdirashiid Cabdi Jaamac oo ku sugnaa Guro u dhow Xarunta Wasaaradda ayaa sheegay in mar qura ay maqleen jugta bamka,isla markaana ay aad uga naxeen.             "Abaaro 11:50 Habeenimo waxa aan maqalnay dhawaq xoog wayn iyo quruurux jiingada guriga noogu soo daatay. ka dib waxa isku soo baxay dadkii jaarka ahaa, waxa la iswaydiiyay waxa uu ahaa iyo halkuu ka dhacay. Ka dib waxa aan la hadlay ilaalada Wasaarada Maaliyada oo aanu isku dhagsan nahay, waxayna ii sheegeen in bam ku soo dhex dhacay daarada wasaarada maaliyada, isla markaana gawarida dhextaala Xarunta muraayada qaarkood ka jabiyay ayuu yiri” Cabdi Rashiid Jaamac.

                Wararka saaka aan ka heleyno Magaalada Booramaa ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada degmada ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada Booliska ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay falkaasi.

             Degaannada Soomaaliland ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ugu amniga wanaagsan Soomaaliya, waxaana looga baran inay ka dhacaan weeraro bambaano oo inta badan ka dhaca Gobolada kale ee dalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip