SAWIRO:-Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare

0
Thursday September 03, 2020 - 18:31:43 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xarunta Aqalka Sare waxaa uu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xarunta Aqalka Sare waxaa uu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Madaxweyne Saciid Deni ayaa Xarunta Aqalka Sare u tegay la kulanka Guddiyada Joogtada si uu ugala hadlo arimaha doorashooyinka ,marxalada kala guurka ah ee uu dalka maraayo iyo is xog wareysi guud oo ku saabsan wax yaabihii golaha u qabsoomay mudadii ay xilka haayeen. Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimo la xiriira dhinaca doorashooyinka oo weli khilaaf uu ka taagan yahay. Aqalka Sare oo ka wakiil ah Dowlad Goboleedyada ayaa muddooyinkii u dambeeyay khilaaf adag kala dhaxeeyay Golaha Shacabka iyo Madaxtooyada, taasoo keentay in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu dhowr jeer eedeyn u jeediyo Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Puntland ayaa tan iyo markii uu yimid Magaalada Muqdisho waxaa uu waday kulamo kala duwan, isaga oo shalay la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihi hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur iyo Xubno kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip