Kulan lagu taageerayay guddi uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle oo Beledweyne ka dhacay

0
Wednesday September 02, 2020 - 23:51:19 in Wararka by
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan lagu taageerayay guddi uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle oo Beledweyne ka dhacay

    Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa si weyn u soo dhoweeyay guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa si weyn u soo dhoweeyay guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Odayaashan oo shir jaraa'id ku qabtay maanta magaalada Beledweyne ayaa ku tilmaamay guddigan uu soo magacaabay Madaxweyne Waare inuu yahay guddi si caddaalad ah loo soo xulay ayna soo dhoweynayaan. "Waxaan soo dhoweyneynaa oo aan taageere u muujineynaa guddiga 11ka ah, waxaana kula dardaarmeynaa inay waajibkooda si wanaagsan u gutaan."ayuu yiri Mid ka mid ah odayaashii ka qeybgashay kulankii maanta lagu taagereayay guddigan.                Sidoo kale duqeydan ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweynaha Hirshabelle uu caddaalad muujiyay isla markaana ay ka rajeynayaan in gudigan uu noqdo mid ku hogaamiya shacabkooda cadaalad iyo sinnaan.

       Hore ayaa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku nool gobolka Sh/dhexe waxa ay u soo dhoweeyeen una taageereen guddiga farsamo ee soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in guddigan ay soo bandhigaan qorshihii ay ku soo xuli lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip