Gudoomiyaha Xisbiga Waddani "Ballanteenu Waa in aynu Takoorka la Dagaalano"

0
Wednesday September 02, 2020 - 23:26:48 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Waddani "Ballanteenu Waa in aynu Takoorka la Dagaalano"

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Takoorka iyo faquuqa lagu hayo bulshooyinka qaar. Guddoomiyaha a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Takoorka iyo faquuqa lagu hayo bulshooyinka qaar. Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay dagaalka la dagaalka Takoorka in aan laga dhigin mid dhinacyo iskaga soo horjeedaan, balse loo baahan yahay in si wada jira loola dagaalamo takoorka hadday tahay cidda la takoorayo iyo haddii ay tahay cidda wax takooreysaba. Guddoomiyuhu waxaa uu intaas raaciyay in ay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin inay wax la qabtaan beelaha Gabooye, islamarkaana dhankooda gacan ka geystaan guud ahaan la dagaalanka takoorka Guddoomiyaha oo waxaa uu sidan ka sheegay dood lagu falanqeynayay takoorka beesha Gabooye kala kulmaan bulshada dhexdeeda waxaanu yidhi. "Waa in aynaan isu qaybin qaar wax dulmaya iyo qaar la dulmayo balse dagaalka aan meel uga soo wada jeesano, oo ka wax dulmayana laga xoreeyo dulmiga, ka la dulmayaana iska xoreeyo dulmiga. Balanteenu waxaa weeyi in aynu takoorka la dagaalano, beelaha sida gaarka ah loo takooray iyo ciddi kale ee la takoorayaba hadii ay tahay hablaha, haday tahay dadka naafada ah, takoor oo dhan ayaa inoo balan ah in aynu la dagaalano"
            



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip