Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom oo la wareegay degaanka Janaa-Cabdala

0
Wednesday September 02, 2020 - 23:16:52 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom oo la wareegay degaanka Janaa-Cabdala

    Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa Amisom oo Magaalada Afmadow ka baxay saaka ayaa gaaray Deegaanka Janaa-Cabdala oo ah halka kala barta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada hoose. Degaankaan Janaa- Cabda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa Amisom oo Magaalada Afmadow ka baxay saaka ayaa gaaray Deegaanka Janaa-Cabdala oo ah halka kala barta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada hoose. Degaankaan Janaa- Cabdala ayaa waxaa horey u maamuli jiray kooxda Al-shabaab oo u adeegsan jirtay bar koontarool oo ay canshuurta kaga qaado dadka iyo gaadiidka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ciidamada horey ugu booriyay inay tagaan degaankaan xilli u shalay tababar usoo xirayay cutubyo katirsan ciidanka Jubbaland oo loo diyaariyay howgallada xoraynta degaanada Shabaab ku maamulaan. Axmed Madoobe wuxuu ballanqaaday inuu ciidamadan ugu tegidoono jiidaha dagaalka uuna kala qeybgalidoono dagaalka hadday daruuri noqoto waa sida uu yidhi. Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda federalka ayaa ukala hardamaya sidii uu mid walba gacanta ugu dhigi lahaa dhulka Al-shabaab ku sugan yahay, gaar ahaan degmada Bu'aale oo ah bartilmaameedka ugu weyn ee isha lgu hayo.

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnail



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip