Duqa Muqdisho oo u dabaaldegay sanad ka dib magacaabidiisii (SAWIRRO)

0
Wednesday September 02, 2020 - 20:20:33 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo u dabaaldegay sanad ka dib magacaabidiisii (SAWIRRO)

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu xusaayo sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegatay markii uu xilka la wareegay. Munaasab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu xusaayo sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegatay markii uu xilka la wareegay. Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Dhalinyarada ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Gudoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka, Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale. Xubnihii ka qaybgalay munaasabadda ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku ammaanay in arrimo badan uu wax ka qabtay, xilli la fahamsan yahay in amnigii Caasimadda Muqdisho aanu cago badan ku taagnayn. Duqa Muqdisho oo ka hadlay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay iyo wixii aan u qabsoominba, oo sida uu qirayba aanu amniga ahayn, sidii la rabay.

          Sidoo kale waxaa uu sheegay sheegay in xirnaanshaha wadooyinka ay ka mid yihiin waxyaabaha aan illaa iyo hadda maamulkiisa u qabsoomin, bacdamaa uu sanad ka hor ballanqaaday in si deg deg ahi uu dhegxaanta uga qaadi doono wadooyinka, kuwooda xiran.

             Waxaa uu sheegay in caqabado is biirsaday ay sabab u noqdeen inaanan dib loo furin wadooyinka, kuwaa oo uu kala sheegay xaaladda amni ee magaalada, faafitaanka xanuunsidaha COVID-19, oo kiisas fara-badan laga diiwaangeliyay Caasimadda Muqdisho iyo roobab xoogan oo magaalada ka da’ay mudadii uu xafiiska joogay, xilli aanay horey uga da’i jirin roobab sidaasi oo kala ah.

            Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in dadka reer Muqdisho ay jeclaan lahaayen in dib loo furo wadooyinka, hase ahaatee aanay u suurtagelin. Waxaa uu sheegay in Dowladda Somaliya ay ciidan fara-badan geysay Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe, haddii amniga goboladaasi ay wax ka qabtaana uu markaasi soo hagaagi doono amnigii Caasimadda.

Muddo sanado ah ayaa waxaa xiran wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka Magaalada Muqdisho, taasoo ka dhalatay weerarada is qarxinta, ee ay ka gaysanayan mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip