Dowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Urur Goboleedka IGAD

0
Wednesday September 02, 2020 - 19:54:28 in Wararka by
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Urur Goboleedka IGAD

    Sii hayaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Soomaaliya mudan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa fogaan arag kaga qeyb galay kulan heer Wasiiro ah ee dalalka urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay saameynta dhaqaale uu cudurka COVID-19 ku reebay dalalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sii hayaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Soomaaliya mudan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa fogaan arag kaga qeyb galay kulan heer Wasiiro ah ee dalalka urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay saameynta dhaqaale uu cudurka COVID-19 ku reebay dalalka IGAD.
     Wasiir Warfaa oo qoraal kooban bartiisa soo dhigay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antahay in la dajiyo siyaasad ku aadan soo kabashada iyo abuurista fursado shaqo.

               "Waxaan maanta ka qeybgalay kulan heer Wasiirro ah ee dalalka urur-gobolleedka IGAD oo la xiriiray saameynta COVID-19 ee muhaajiriinta. Soomaaliya oo ay ku soo laabanayeen kumannaan barakacayaal ah ayuu dhaqaalo ahaan u saameeyey, waxaana Wadamada xubnaha ka ah IGAD la        wadaagay sida ay nooga go’an tahay in aan si deg deg ah uga shaqeyno siyaasadda ugu wanaagsan ee soo kabashada iyo abuurista barnaamijyo waara oo wax looga qabanayo bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey”. Ayuu yiri Wasiir Warfaa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip