Dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose & faah faahin laga helayo

0
Wednesday September 02, 2020 - 18:34:30 in Wararka by
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose & faah faahin laga helayo

    Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Kolo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya ay weerar jidgal ah ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay marayeen duleedka degmada Afmadow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaatay ku dhawaad saacad.      

              Dadka ku nool degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Kenya ay ka baxeen degmada, hayeeshee ay weerarkaasi la kulmeen xilli ay marayeen meel aan ka fogeen Afmadow, sidoo kalena ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

             Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro Ciidamada Kenya kasoo gaaray weerarkaas, hayeeshee dadka degaanka ay ku waramayaan in Ciidamada weerarka kadib ay socdaalkoodii ay iska sii wateen.

             Ciidamada Kenya ayaa goobjoogayaasha waxaa ay sheegeen in xilliga la weerarayay ay wadeen howlgallo amni xaqiijin ah oo mararka qaar ay ka sameeyaan degaannada Gobolada Jubbooyinka howlgalladaas oo u badan kuwo miino baaris ah.

         Dhowr jeer oo hore ayaa dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda & kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka, iyada oo ay kordheen maalmahaan weerarada ka dhaca Gobolka Jubbada Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip