Dowladda oo sheegtay inay xadideyso Ajaanibta soo gasha dalka

0
Wednesday September 02, 2020 - 10:56:58 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo sheegtay inay xadideyso Ajaanibta soo gasha dalka

    Agaasimaha hay'adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo faahfaahin ka bixyey ahmiyadda shirka laamaha hay'adda uga furmay caasimadda Galmudug, ayaa sheegay in ay uga muhiimsan tahay isku xir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha hay'adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo faahfaahin ka bixyey ahmiyadda shirka laamaha hay'adda uga furmay caasimadda Galmudug, ayaa sheegay in ay uga muhiimsan tahay isku xirka hay'adda Socdaalka iyo jinsiyadaha, si loo ogaado dhamaan dadka dalka kasoo galaya xuduudaha dhanka dhulka ah. Agaasime koofi ayaa sheegay in ay aad uga shaqeeyeen bixinta baasa boorka hagaajinta, iyo sumcada baasaboorka, iyada oo la saxayo shaqooyinka lagu qoro baasaboorka, oo markii hore aheyd in qof walbo wixii uu doono iskaga qoran jiray, balse arrinkaas ay ku guuleysteen in ay saxaan sadexdii bilood ee lasoo dhaafay. Sidoo kale Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay ku guuleysteen diiwaan gelinta ajaaniibta dalka soo galay, taasi oo qeyb ka ah dadaalada ay ku doonayaan in ay ogaadaan ajaaniibta soo gasha dalka. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip