Talyaaniga oo taageero u ballan qaaday Galmudug

0
Wednesday September 02, 2020 - 10:55:43 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talyaaniga oo taageero u ballan qaaday Galmudug

    Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Safiirka ku xigeenka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya H.E Fabio. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa la wadaagay Safiir Ku xigeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Safiirka ku xigeenka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya H.E Fabio. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa la wadaagay Safiir Ku xigeenka guulaha muhiimka ah ee maamulka cusub gaar ahaan natiijadii dhowaan ka soo baxday shirkii Dhuusamareeb 3 ee u dhexeeyay madaxda DFS & Dowlad Goboleedyada. labada mas'uul waxay diirada saareen xoojinta wada shaqeynta, sare u qaadida amniga iyo dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay wado dowlada talyaaniga, taas oo kor u qaaday nolosha dad badan. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada weyn ee ay qabteen hoggaanka cusub ee Safaaradda isagoo ballan qaaday in Galmudug si dhow ula shaqeyn doono. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip