Cumar Filish oo shaaciyay sababta uu u fulin waayay balan qaad ahaa furista wadooyinka

0
Wednesday September 02, 2020 - 10:53:27 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Filish oo shaaciyay sababta uu u fulin waayay balan qaad ahaa furista wadooyinka

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sanad kadib magacaabistiisii waxaa uu ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay iyo balan qaadyo uu sameeyay markii uu xilka la wareegay ee uu fulin waayay. Waxaa uu she

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sanad kadib magacaabistiisii waxaa uu ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay iyo balan qaadyo uu sameeyay markii uu xilka la wareegay ee uu fulin waayay. Waxaa uu sheegay in markii uu xilka la wareegay,kadib magacaabistii uu balan qaaday in uu dib u furi doono wadooyinka la xiray, hayeeshee ay jiraan dhowr caqabadood oo suurtagelin waayay,sida xaalada amni ee Muqdisho, Arrimo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas badan laga helay Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu sheegay in sanadka uu xilka haayo uu caqabad ku noqday roob aan horay u di'i jirin oo ka da'ay Magaalada muqdisho,isla markaana Bulshada ku nool Gobolka Banaadir ay daneynayeen in la qaado dhagxanta wadooyinka lagu jaray, hayeeshee taasi aysan suurtagelin. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in la qaado dhagxaanta lagu jaray wadooyinka Muqdisho lagu bedeay in Ciidamo horleh la geeyo koontoroolada laga soo galo Magaalada Muqdisho sidoo kale Ciidamada Dowaldda ay la wareegeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo Al-Shabaab weerarada kasoo abaabuli jireen. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip