Xog: Maxay Axmed Madobe iyo Saciid Deni ka dalbadeen xubnaha beesha caalamka?
Kulankii wadajirka ahaa ee Axmed Madoobe iyo Deni ay la yeesheen wakiilada beesha caalamka, ayaa dhanka kale si weyn diiradda loogu saaray heshiiskii Dhuusamareeb 3, waxayna soo bandhigeen qodobo ay sheegeen inaan la aqbali karin oo heshiiska ku jira.
Qodobadaas ayaa waxaa ka mid ah in doorashooyinka ay maamulaan guddiga madaxa-banaan ee doorashada, oo ay sheegeen inuusan dhex-dhexaad ahayn kuna xiran yahay Villa Somalia. Labada madaxweyne ma dalban in guddiga meesha laga saaro, waxayse codsadeen in maamulka doorashada ay kaalin ku yeeshaan dowlad goboleedyada.
Waxay sidoo kale dood ka keeneen qodob dhigaya in dhowr magaalo ay ka dhacdo doorashada, magaaladii amnigeeda uusan wanaagsaneyna laga wareejiyo, taasi oo ay u arkaan isku day doorashada lagu gaynayo magaalooyin ay gacanta ku hayso dowladda federaalka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay dalbadeen in kulanka Muqdisho laga soo qeyb-geliyo madax goboleedyada kale ee ka maqan.
Si kastaba, ma cadda waxa beesha caalamka ay ka qaban karto dhammaan dalabyada labada madaxweyne goboleed, waxaana suurta-gal ah in ugu dambeyn ay in badan ka tanaasulaan, si heshiis loo gaaro.
Xog: Maxay Axmed Madobe iyo Saciid Deni ka dalbadeen xubnaha beesha caalamka?
Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa kulamadii shalay ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland iyo qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa marka hore si kala gooni