Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika..

0
Tuesday September 01, 2020 - 17:46:03 in Wararka by
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika..

    Koox hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaasi waxaaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomalaida Ganacsiyada waaweyn ku leh dalkaas, iyaga oo goobta ka baxsaday. Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaasi waxaaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomalaida Ganacsiyada waaweyn ku leh dalkaas, iyaga oo goobta ka baxsaday. Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xamuud Aadan Dhiblaawe ayaa Kooxda Burcadda ah waxaa ay ku dileen goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Dalka Koonfur Afrika, isaga oo u geeriyooday dhaawac culus oo ay Burcadda gaarsiiyeen Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in gurmad ay u sameeyeen muwaadinka Soomaaliyeed oo Kooxda Burcadda ah ay doonayeen inay dhac u geystaan,isla markaana ay ka badbaadiyeen walow Kooxda Burcadda aheyd ay muwaadinka Soomaaliyeed dileen. Ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo badi markii ay dilalka dhacaan sameeya howlgallo walow aysan ku guuleysan inay qabtaan Kooxaha dilalka u geysta Soomaalida. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanad walba dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda loogu geystaa dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaalida u badan tahay, waxaana ilaa iyo hadda jirin cid isku howshay inay Ganacsatada Soomaalida ah badbaadiso. ..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip