Duqa Muqdisho oo isbedel ku sameeyay guddoomiyaal degmo

0
Tuesday September 01, 2020 - 15:21:28 in Wararka by
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo isbedel ku sameeyay guddoomiyaal degmo

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta wareegto uu soo saaray is badal ku sameeyay qaar kamid ah guuddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir. Guddoomiyihii hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta wareegto uu soo saaray is badal ku sameeyay qaar kamid ah guuddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir. Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Guhaad Sheekh Xasan ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkeenley halka Xoghayihii hore ee degmada Dharkeenley Mudane Maxamed Suudi ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab. Sidoo kale Guddoomiyaha cusub ee degmada Shibis ayaa loo magacaabay Cali Axmed Cabdulle. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku amray guddoomiyaasha la magacaabay inay sida ugu dhaqsida badan ugu kala wareegaan xilalkooda. ...

      



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip