Odayaal iyo Waxgarad kasoo horjeestay Guddiga uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Waare

0
Monday August 31, 2020 - 23:48:42 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odayaal iyo Waxgarad kasoo horjeestay Guddiga uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Waare

    Ka dib kulan ballaaran oo ay maanta ku yeesheen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Xawaadle ayay ku diideen magacaabistii dhawaan lagu magacaabay guddiga farsamadda ee soo xuli doono Baarlamaanka la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib kulan ballaaran oo ay maanta ku yeesheen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Xawaadle ayay ku diideen magacaabistii dhawaan lagu magacaabay guddiga farsamadda ee soo xuli doono Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Waare. Odayaasha Beesha Xawaadle ayaa sheegeen in Hirshabelle dhismaheedii hore lagu deg degay hadana loo baahan yahay in laga fiirsado dhismaheeda cusub si loo helo Hirshabelle wanagaasan oo hana qaada. Kulanka oo inta badan Odayaasha ay diirada ku saarayeen aayaha beesha Xawaadle ayay ku shaaciyeen in shirweyne Beesha ah uu qabsoomi doono 20-ka bisha Septembar 2020 kaaso ka dhici doona gudaha magaalada Beledweyne loogana hadli doono danaha guud ee beesha Xawaadle. Gabagabadii Odayaasha Beesha Xawaadle ayaa War-murtiyeed kasoo saaray shirkoodii maanta.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail







Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip