Somaliland oo baareysa saameynta ka dhalan karta anteenada Shirkadaha isgaarsiinta

0
Monday August 31, 2020 - 20:59:11 in Wararka by
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo baareysa saameynta ka dhalan karta anteenada Shirkadaha isgaarsiinta

    Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday inay bilaabeyso baarista halista caafimaad ee ay keeni karaan anteenada ama taawarrada shirkadaha isgaarsiinta ka howlgalla degaannada Maamulkaas. Maamulka ayaa soo iibsatay qalab lagu ogaanayo awoodda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday inay bilaabeyso baarista halista caafimaad ee ay keeni karaan anteenada ama taawarrada shirkadaha isgaarsiinta ka howlgalla degaannada Maamulkaas. Maamulka ayaa soo iibsatay qalab lagu ogaanayo awoodda hirarka ay taawarradu gudbinayaan, sida ay shaaciyeen mas'uuliyiin ka tirsan Soomaaliland, kadib munaasabad ka dhacday Magaalada Hargeysa. Wasiirka isgaarsiinta Somaliland Cabdiwali Cabdillaahi Suufi ayaa sheegay in qalabkan loogu talo galay inuu maamulo hirarka isgaarsiinta, in lagula socdo shucaaca ka soo baxa taawarrada iyo goobaha isgaarsiinta, iyo in lagu hormariyo cilmi baarista teknolojiyadda. Horay ayaa waxaa u jirtay cabasho iyo cabsi laga qabo saamaynta caafimaad darro ee ka dhalan karta hirarkaas oo dad badani ka hadlaan qaarkoodna ay qoraallo ka sameeyeen. Wuxuu wasiirku sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkaddii lagu helo in ay taawarradeedu sababaan xaalad caafimaad darro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip