Madaxweynaha Puntland oo ka baaqday socdaal uu ku imaan lahaa Muqdisho iyo Sababta

0
Monday August 31, 2020 - 20:54:01 in Wararka by
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo ka baaqday socdaal uu ku imaan lahaa Muqdisho iyo Sababta

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siiciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu soo warramayaa in uu ka baaqday safar uu ku imaan lahaa magaalada Muqdisho ee Casimadda Dalka Soomaaliya. Deni ayaa qorshuhu waxaa uu ahaa in maanta oo Isniin ah u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siiciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu soo warramayaa in uu ka baaqday safar uu ku imaan lahaa magaalada Muqdisho ee Casimadda Dalka Soomaaliya. Deni ayaa qorshuhu waxaa uu ahaa in maanta oo Isniin ah uu soo gaaro Magaalada Muqdisho si uu ula kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaah Maxmed Cabdullahi Farmaajo, waxaana la filayay in Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ay soo gaaraan Muqdisho. Wararkii u danbeeayay ee ka imaanaya Garoowe ayaa ku warramaya in Siciid Cabdullaahi Deni uu ka baaqday Socdaalkii uu ku imaan kahaa muqdisho, waxaana la sheegay in Maalinta berri ah uu imaan doono Madaxweynaha Puntland. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu Magalada Muqdisho soo gaari doono Berri oo talaado ah. Labada madaxweyne ee Jubbland iyo Puntland ayaa qorshuhu waxaa uu ahaa in ay maanta soo gaaraan Muqdisho, balse Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dib u dhigtay Safarkiisa sida la sheegay.
     


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip