Israel oo sheegtay in dalal carbeed ay wadahadal kula jirto

0
Sunday August 30, 2020 - 22:02:57 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israel oo sheegtay in dalal carbeed ay wadahadal kula jirto

    Ra'iisulwasaaraha Israel ayaa sheegay in uu jiro wadahallo qarsoodi ah oo Israel ay la leedahay dhowr dal oo Carbeed oo ay cilaaqaad sameysanayaan, waxaana taas u dheer xiriirkii dublomaasiyadeed ee horaantii bishan ay Israel la yeelatay Imaaraa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisulwasaaraha Israel ayaa sheegay in uu jiro wadahallo qarsoodi ah oo Israel ay la leedahay dhowr dal oo Carbeed oo ay cilaaqaad sameysanayaan, waxaana taas u dheer xiriirkii dublomaasiyadeed ee horaantii bishan ay Israel la yeelatay Imaaraadka Carabta. "Waxaa jira shirar aan la shaacin oo Israel ay la yeelatay hoggaamiyeyaal Carab iyo Muslimiin ah oo lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka ay la leeyihin Israel" Benjamin Netanyahu ayaa sidaas maanta oo Axad ah sheegay ka hor inta aanay berrito dalka Imaaraadka Carabta u ambabixin duulimaadkii ganacsi ee ugu horreeyey ee Israel ay leedahay. Dhanka kale, Israel ayaa rajeyneysa in bartamaha bisha September lagu qabto magaalada Washington munaasabadda saxiixa heshiiska ay xiriirka dublumaasiyadeed ku caadiyeyneyso ee ay la gashay Imaaraadka Carabta, xubin ka tirsan golaha Ra'iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa sidaasi sheegay maanta oo Axad ah. Wasiirka Iskaashiga Gobolka ee Israel Ofir Akunis ayaa u sheegay warbaahinta dowladda ee Kan in taariikhda saxiixa la qabanayo ay go'aan ka gaari doonaan kaaliyayaasha sare ee Netanyahu iyo kuwa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump marka ay masuuliyiintani u duulaan magaalada Abu Dhabi Isniinta berri ah si ay wadahadal ula yeeshaan saraakiisha Imaaraadka. La-taliyaha sare ee Trump Jared Kushner iyo wafdi kale oo Mareykan ah ayaa Axadda maanta ah gaaray Israel si ay ugu diyaar garoobaan safarka Imaaraadka. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip