Wajiga labaad tira koobka Shaqaalaha rayidka oo la soo gaba gabeeyay (SAWIRRO)

0
Sunday August 30, 2020 - 18:54:35 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wajiga labaad tira koobka Shaqaalaha rayidka oo la soo gaba gabeeyay (SAWIRRO)

    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda ku soo xiray wajiga labaad ee tirakoobka madax ka tiriska Shaqaalaha Rayidka Dowladda. Tirakoobka wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda ku soo xiray wajiga labaad ee tirakoobka madax ka tiriska Shaqaalaha Rayidka Dowladda. Tirakoobka waxaa la marsiiyay howlwadeennada Hay'adaha Dowladda iyo shaqaalaha aan la marsiin wajiga koowaad ee tirakoobka Shaqaalaha Rayidka. "Muddo toddobaad ah oo tirakoobka uu socday, waxaa maray dhammaan shaqaalaha fasaxa iyo cududaaradda ku maqnaa iyo hay'adaha aan la tirakoobin shaqaalahooda, tanina waxay ka dhigan tahay in la dhammaystiray tirakoobka shaqaalaha." ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Sadiq Xirsi Warfa ayaa ku sheegay ujeeddada laga leeyahay tirakoobka Shaqaalaha Dowladda , kor u qaadidda tayada shaqaalaha iyo dhismaha kayd dhexe si loo gaaro daahfurnaan. "Tirakoobka shaqaalaha oo aan dadaal galinay waxaan ku doonaynaa inuu door ka qaato horumarinta Shaqaalaha oo muhiim u ah gaarista yoolalka dib u dhis ee dalka." ayuu yiri isagoo inta ku daray " Waxaan diiradda saaraynaa sidii daahfurnaan lagu gaari lahaa oo ay fursadaha shaqooyinka u noqdaan kuwo si siman looga faa'iideysto."

    

       Wasiir Sadik Warfa, ayaa u mahadceliyay guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo si wadajir ah uga shaqeeyay dhammaystirka tirakoobka Shaqaalaha Dowladda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip