Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya oo ka dhacay J/hoose

0
Sunday August 30, 2020 - 18:43:07 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya oo ka dhacay J/hoose

    Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada millateriga Kenya ayaa ka dhacay degaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro Khaasare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada millateriga Kenya ayaa ka dhacay degaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro Khaasare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose. Dagaal kooban ayaa dhexmaray labada dhinac lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, balse waxaa dadka degaanku ay soo sheegayaan in ay maqlayeen jugta hubka ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana adag in la helo xogta rasmiga ah khasaaraha ka dhshay dagaalkaasi dhexmaray Ciidamada milateriga Kenya iyo Al-shabaab. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee dagaalamay, balse dagaalada noocaan oo kale ah yaa mar waliba dhexmara dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Millateriga Kenya, iyadoo Al-shabaab ay weeraro ka fuliyaan gudaha Kenya iyo xudduudka ay Soomaaliya la wadaagto Kenya.
      


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip