Indho Cadde oo shaaciyey inuu liito amniga Muqdisho, eedeyna u jeediyey DF

0
Sunday August 30, 2020 - 18:31:39 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Indho Cadde oo shaaciyey inuu liito amniga Muqdisho, eedeyna u jeediyey DF

    General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, kadib wareysi uu siiliyey Idaacadda Kulimiye. Indha Cadd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, kadib wareysi uu siiliyey Idaacadda Kulimiye. Indha Cadde ayaa sheegay inuu haatan aad u liito amniga warkii.com, islamarkaana ay dhibaato weyn ku qabaan shacabka Soomalaiyeed. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay la imaan weysay qorshe cad oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho. General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa carabka ku goday in maalmihii u dambeeyey ay soo kordheen dilalka, qaraxyada iyo dhaca loo geysanayo dadweynaha. "Beryahan dambe waxaa soo kordhay amni darada Muqdisho, sida dilalka qorsheysan, miinooyinka la geliyo wadooyinka iyo dhaca habeenkii loo geysto dadka shacabka ah, waa daruuf Soomaalida Muqdisho ku nool in muddo ahna ku noolaayeen, waxaa loo baahan yahay in qorshe cusub lala yimaado". ayuu yiri Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde). Hadalkiisa ayaa imaanaya, iyadoo haatan dowladda Soomaaliya ay Caasimadda ka billowday howl-gallo lagu sugayo amniga, kadib weerarkii hotelka Elite ee M/Muqdisho.

    


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip