Dowladda oo sheegtay inay ka hortagtay weerar ay qorsheynayeen Al-Shabaab

0
Sunday August 30, 2020 - 18:25:01 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo sheegtay inay ka hortagtay weerar ay qorsheynayeen Al-Shabaab

    War kasoo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 43ad ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka ay 4 ka tirsanaa Al-Shabaab ku dileen nawaaxiga Baar-sanguuni oo ku dhow Magaalada Kismaayo, halka Saddex kalena ay ku dhaawaceen. Tallaabadaan a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 43ad ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka ay 4 ka tirsanaa Al-Shabaab ku dileen nawaaxiga Baar-sanguuni oo ku dhow Magaalada Kismaayo, halka Saddex kalena ay ku dhaawaceen. Tallaabadaan ayaa timid, ka dib markii ay ka war heleen duullaan gaadmo ah oo ay qorsheynayeen in ay la beegsadaan fariisimada Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degaankaas. Shirwac Cumar Baaruush oo ka tirsan Saraakiisha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay ay Shabaab gaarsiiyeen jab xooggan kana furteen Saanad Ciidan sida uu hadalka u dhigay. Marka laga soo tago warkaan kasoo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 43aad ayaa waxaa jiray dagaal kooban oo degaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip