Sirdoonka Mareykanka oo hakiyay xogo ay siin jireen Congress-ka

0
Sunday August 30, 2020 - 18:19:00 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Mareykanka oo hakiyay xogo ay siin jireen Congress-ka

    Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka ayaa Sabtidi shalay sheegay, in hadda kaddib aysan mudanayaasha Koongareeska la wadaagi doonin, xogaha ku saabsan khatarta faragelinta shisheeye uga iman karta doorashada madaxtinimo ee la filayo in Mareykanka ay ka d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka ayaa Sabtidi shalay sheegay, in hadda kaddib aysan mudanayaasha Koongareeska la wadaagi doonin, xogaha ku saabsan khatarta faragelinta shisheeye uga iman karta doorashada madaxtinimo ee la filayo in Mareykanka ay ka dhacdo bisha November. War laga soo saaray xafiiska Sirdoonka Qaranka, ayaa lagu sheegay in sababta ay u joojiyeen warbixinnada ay sii jireen Koongareeska ay tahay, kaddib marki xogo xasaasi ahaa oo ku saabsanaa amniga doorashada la dusiyay, kaddibna la siyaasadeeyay. Saraakiil ka tirsan Waaxda Sirdoonka Qaranka ayaa xalay si toos ah ugu sheegay sharci-dejiyaasha iyo guddi hoosaadyo ka tirsan Koongareeska Mareykanka in xogaha sirdoon ee ku saabsan doorashada madaxtinimada ee saddexda November ay wali heli doonaan mudanayaasha balse ay noqon doonto hab ka duwan sidi hore. Madaxda ugu sarreysa xisbiga dimoqraadiga ee Koongareeska Mareykanka sida, afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi iyo hogaamiyaha dimoqraadiyiinta laga tirada badanyahay ee golaha Senetka Chuck Schumer ayaa labaduba cambaareeyay go'aanka Hey'adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka.

       



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip