Maxaa dagaalyahankan Soomaaliga ah loogu sharfay Talyaaniga?

0
Sunday August 23, 2020 - 13:24:21 in Wararka by
  • Visits: 1445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa dagaalyahankan Soomaaliga ah loogu sharfay Talyaaniga?

    Taxanaheennii warqadaha aynu ka helno weriyayaasha Afrikaanka ah ayaa Ismaaciil Caynaanshe waxa uu ku eegayaa sida ay qaar ka mida Talyaanigu ay u qiimaynayaan gumaysigoodii hore ee Afrika. Maamulka degmada ee Magaalada Roma ayaa horraantii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taxanaheennii warqadaha aynu ka helno weriyayaasha Afrikaanka ah ayaa Ismaaciil Caynaanshe waxa uu ku eegayaa sida ay qaar ka mida Talyaanigu ay u qiimaynayaan gumaysigoodii hore ee Afrika. Maamulka degmada ee Magaalada Roma ayaa horraantii bishan ugu magac daray xarun istaan ama boosteejo u ah tareen oo laga dhisayo magaalada caasimadda Talyaaniga, sii loogu sharfo Giorgio Marincol, oo ahaa Talyaani-Soomaali ah oo qayb ka ahaa xoogaggii Talyaaniga. Waxaa la dilay markii uu jiray 21 sano isagoo ka saaraya ciidamada Naziga oo rasaas ku furey bar koontarool 4tii Meey 1945, laba maalmood kadib markii Jarmalku si rasmi ah u hareereeyey Talyaaniga dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Istaankan, oo hadda dhismihiisu socdo, ayaa lagu magacaabi jiray Amba Aradam-Ipponio – oo loo tixraacayo olole Talyaani ah oo ka dhacay Itoobiya sanadkii 1936 markii ay xoogagga fallaagada ahi si naxariis darro ah u sii daayeen hub dhanka kiimikada ah, isla markaana ay ka geysteen dambiyo dagaal, dagaalkii caanka ahaa ee Amba Aradam.              
Battle of Amba Aradam illustrated by Achille Beltrame, which appeared in La Domenica del Corriere, 1 March 1936
 

           Magaca bedDelidan ayaa timid kaddib olole la bilaabay bishii Juun, kaas oo daba socda banaanbaxyadii Black Lives Matter ee daafaha dunida qabsadady ka dib dilkii booliiska Mareykanka u geystteen George Floyd.

         Waxaa bilaabay saxafiga Massimiliano Coccia, waxaa taageeray dhaqdhaqaaqayaasha Black Lives Matter, suxufiyiin kale iyo qoraayada Talyaani-Soomaali ah Igiabo Scego iyo wiil uu adeer yahay, qoraagii Antar Marincola.

Halgamaagii Madoobaa

      Dadka u ololeynayey ayaa ugu horreyn boodh dul dhigay xaruntan tareenka iyagoo sheegayey in aan goob noocan ah lagu magacaabi karin "dulmi” isla markaana ay ku riixayaan in looga magac daro Marincola, si loo xasuusto noloshiisii cajiibka ahayd.

Ashkiro Hassan and her son Giorgio in Somalia, circa 1925

          Waxaa loo yaqaanaa "partigiano neroor” ama "halgamaagii madoobaa” wuxuuna xubin firfircoon ka ahaa iska caabintaas.

Sannadkii 1953-dii waxaa si sharaf leh loo gudoonsiiyey taliskii millatari ee ugu sarreeyay ee Talyaanigii, Medaglia d’Oro al Valor Militare, iyada oo lagu aqoonsanayo dadaalkiisa iyo hiigsigii sarreeyey ee uu sameeyay.

            Marincola wuxuu ku dhashay 1923 Mahaddaay, oo ah magaalo ku taal Webiga Shabeelle, waqooyiga Muqdisho, waagii horena loo yaqaanay Italian Somaliland.

Hooyadiis, Ashkiro Hassan, waxay ahayd Soomaali, aabihiisna wuxuu u ahaa sarkaal militari Talyaani ah oo la yiraahdo Giuseppe Marincola

Giuseppe Marincola (L) pictured in Somalia with two Somalis

             Waqtigaas gumeystayaal Talyaani ah ayaa xaqiiqsaday inay carruur ka dhaleen dumarka Soomaalida ahaa ee ay la midoobeen.

Laakiin Giuseppe Marincola ayaa jabiyey habdhaqanka ka dib isaga oo markii dambe wiilkiisa iyo gabadhiisa, Isabella, loo keenay Talyaaniga si ay qoyskiisa ula noolaadaan.

          Isabella waxay sii waday inay noqoto jilaa, si gaar ahna waxay uga soo muuqatay Riso Amaro (Bitter Rice), oo la baahiyey 1949.

Giorgio Marincola sidoo kale waxa uu ahaa hiboole, wuxuu ku fiicnaa dugsiga Rome wuxuuna u sii watay inuu iska diiwaan geliyo waaxda caafimaadka.

       Intii lagu gudajiray waxbarashadiisa wuxuu aad ula dhacsanaa fikikii lagaga soo horjeeday fashiistaha. Wuxuu go’aansaday inuu ka mid noqdo halkagnkii iska caabbinta ee1943 – waqti dalkiisii uu ku dhashay uu weli ku hoos jiray talyaaniga.

Giorgio Marincola
Razza Partigiana
         Halganka wuxuu iiga dhignaa xorriyad iyo caddaalad ay halaan dadka dunida oo dhan. Taasina waa sababta aan ula dagalaamay gumeystayaashii”
Giorgio Marincola, 1945

Soomaali Taliyaani diidanaa Naziga
Illawsho wadareed’

Laakiin dadka u ololeeya in la joojiyo cunsuriyaddu waxay doonayaan in kabadan kaliya magac beddelidda goob tareen ka dib Marincola – waxay rabaan inay si weyn u iftiimiyaaan taariikhda gumeysiga eeTalyaaniga.

Statue of famous Italian journalist and writer, Indro Montanelli, is seen smeared with red paint during the protests against racism, in Milan, Italy - 14 June 2020

             Waxay rabaan qorayaasha ku sugan Rome in ay sii socdaan oo ay bilaabaan hannaan ay magaalada u xoraynayaan.

Waxaa iyana hore uga dhacday magaalada Milano markii ay socdeen banaanbaxyadii Black Lives Matter, taalada saxafiga muranka dhaliyay ee Indro    ZMontanelli, kaasoo difaacay gumeystihii isla markaana qirtay inuu guursado gabar 12 sano jir ah oo reer Ereteriya ah xilligii ay ciidamadu wadeen sannadihii 1930naadkii, in lagu shaanbadeeyey ‘kufsade iyo cunsuri’.

 Weli se si loo helo isbedel dhab ah waxaa loo baahan yahay in laga warqabo wixii la soo dhaafay.

2px presentational grey line

Hab-taariikheedkii Talyaaniga ee Bariga Afrika:

  • 1890: Borotooyadii Talyaanigu waxay la wareegtay Eritrea waxayna ku dhawaaqday inay tahay maxmiyad.
  • 1895: Talyaanigu wuxuu weeraray Ethiopia kaddibna waxa uu ugu yeedhay Abyssinia
  • 1896: Ciidamada Talyaanigu waaa laga adkaaday waxaana ka adkaaday Itoobiyaanka Adwa – waxayna saxiixeen heshiis aqoonsan xornimada waddanka
  • 1889: SomaliaTalyaanigu wuxuu ka aasaastay maxmiyad badhtamaha Soomaaliya
  • 1935: Fashiistihii Talyaaniga ayaa ku duulay Itoobiya, iyada oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo adeegsiga hubka kiimikada intii lagu jiray ololihiisii
  • 1936: Talyaanigu waxay qabsadeen Addis Ababa. Itoobiya, Ereteriya iyo Italian Somaliland, waxayna noqdeen Talyaanigii bariga Afrika
  • 1937: Ciidamada Talyaniga ee ku sugnaa Adisababa waxay dileen dad lagu qiyaasay 19,000 oo qof mudo sedex maalmood ah bishii Febraayo iyaga oo ka aargudanaya iskudaygii dil ee ninka uu u magacaabay Mussolini inuu xukumo aaggaasi.
  • 1941: Ciidamada Ingiriiska iyo iyo waddamad Barwaaqo Sooranka oo gacan ka helaya iska caabiyayaashii gudaha ayaa ka adkaaday Talyaanigii ku sugnaa gobolka
2px presentational grey line

            Dhibaatada ugu daran waqtigan xaadirka ah waxay u egtahay inay tahay illow wadareed ku dhacy ee taariikhdeeda gumaysi ee Talyaaniga.

Sanadihii aan ku qaatay ka soo tebinta wararka waddankan waxaan had iyo jeer la yaaba sida ay u yartahay dadka Talyaani ah ee u muuqda inay wax ka ogyihiin taariikhdooda gumeysiga, haddii aan joogo Rome, Palermo ama Venice.

              Lama oga qaddarka ku lug lahaanshaha Talyaanigu ku leeyahay Eritrea, Soomaaliya, Libya, iyo Albania iyo Benito Mussolini qabsashadiisii Itoobiya ee 1930-meeyadii..

Bishii la soo dhaafay, Soomaaliya waxay u dabaal degtay sannad-guuradii 60aad ee xorriyadda.

           Waxaa qaabeeyey 30 sano oo colaado ah, xusuusta xilliyadii gumeysiga ayaa dhamaanteed la lumiyey – marka laga reebo jikada ay oo ay taal cunnada ay ka kooban tahay "suugo suqaar” – Maraqa lagu daro baastada.

           Magac daridda goobtan Marincola waa tallaabo muhiim u ah dhammaanteen – waana xusuus mudan in loo sameeyo dhammaan dadka reer Talyaani iyo xidhiidhka dheer ee ka dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya.

Xigasho:BBCSomali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip