Goobjoogayaal ka badbaaday weerarkii Hotelka Elite oo ka hadlay sida wax u dhaceen

0
Sunday August 16, 2020 - 23:29:02 in Wararka by
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goobjoogayaal ka badbaaday weerarkii Hotelka Elite oo ka hadlay sida wax u dhaceen

    Goobjoogayaashan oo ku sugnaa aagga Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho ayaa ka xog waramay, sida uu ku bilowday weerarkii hubeysnaa ee gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday hotelkaasi. Goobjoogaha hore oo lagu magacaabo Cabdirisaaq, kuna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goobjoogayaashan oo ku sugnaa aagga Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho ayaa ka xog waramay, sida uu ku bilowday weerarkii hubeysnaa ee gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday hotelkaasi. Goobjoogaha hore oo lagu magacaabo Cabdirisaaq, kuna sugnaa hotel ku dhegan hotelka kale ee la weeraray ayaa sheegay in weerarka ku bilowday qarax aad u xoogan, oo khasaaro xoogan soo gaarsiisay dhismooyinka ku yaala nawaaxiga Xeebta Liido. Waxa uu intaa ku daray in qaraxa uu ahaa mid laga dareemay magaalada. Waxa kaloo uu sheegay in hotelkii uu ku sugnaa xilligii uu qaraxu dhacayay ay muraayadihii ka daateen, baaxadda uu lahaa qaraxaasi awgeed, isla-markaana uu qaraxu gaystay khasaaro badan. Isagoo la hadlayay VOA, lana weydiiyay sida uu yahay dareenka dadka ayaa sheegay inaanu dareenkoodu ahayn mid la soo koobi karo amaba laga warami karo. Xoogga uu lahaa qaraxa ayuu sheegay inuu xaalad kacsanaan leh ku dhaliyay dadkii ku sugnaa Xeebta Liido, isla-markaana ay uuro xoogan isu dahaartay halkaasi, sidoo kalana aysan xilligaa u muuqan goobta ay wax ka dhaceen.

       


            Goobjoogaha labaad waa Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed, Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu, oo isagu sheegay in shan iyo toban daqiiqo ka hor qaraxaasi uu goobta tagay.

           Xoghayaha ayaa VOA u sheegay in uu la socday gaariga Cabdirisaaq Cabdi oo ka tirsan sida uu sheegay Wasaaradda Warfaafinta, isla-markaana uu qaraxu dhacay, xilli ay wada sheekeysanayeen, markaasina ay isagii ugu war dambeysay. Ka dib markii uu qaraxu dhacay ayuu sheegay in xaaladda goobta isu bedeshay mid isku dhex yaacsan. Waxa uu intaa ku daray in uu u cararay dhinaca badda, ka dib markii uu ogaaday halka ay ka dhacayaan xabado xoog leh, oo sida uu sheegay daba socday qaraxaasi.

            Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa xusay inuu iska siibay funaanad cagaar cagaaran oo markaasi uu xirnaa, si aysan kuwii wax tooganaayay ugu fududaan inay soo toogtaan, midabka funaanadda awgeed.

Wariye Macalimuu ayaa dhacdadaan ku tilmaamay masiibo aad u xun, wuxuuna yiri "Waxay ahayd masiibo aad u xun, Ilaahayna intii umad ah ha badbaadiyo, welina meeshii xabad uun baa laga maqlayaa, laakiin ciidamo fara-badan ayaa na dhaafay oo meeshii nooga gudbay oo tagaaya, wax badan lagama ogaan karo hadda.”

               Ururka Al Shabaab ayaa goor dambe sheegtay masuuliyadda weerarka hubeysan, ee gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday Hotel Elite, oo ku yaala Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu muujiyay in bartilmaameedku uu ahaa Hotel Elite, oo uu leeyahay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka. Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa dadkii ku go’doonsanaa hotelka ee qaarkood la soo badbaadiyay.

             Weerarkan oo noqonaya kiisii ugu horeeyay ee sanadkan lagu qaado hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay shan iyo toban qof, halka sideed iyo tobaan kalana ay ku dhaawacantay. Khasaaraha ayaa loo maleynaya inuu intaasi ka badan yahay.

Xeebta Liido ayaa ka mid ah goobaha ugu badan ee dadka reer Muqdisho isagu yimaadaan, iyadoo ay dadku isaga kala yimaadaan toddobo iyo tobanka degmo ee Gobolka Banaadir.

Hotel Elite ee Muqdisho oo la weeraray




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip