Madaxweyne Farmaajo oo war Tacsi ah ka soo saaray qaraxii Al-Shabaab ee Xeebta Liido

0
Sunday August 16, 2020 - 22:08:51 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo war Tacsi ah ka soo saaray qaraxii Al-Shabaab ee Xeebta Liido

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee argagixisadu ay sida gaadmada ah ugu laayeen mid ka mid ah hoteellada ku yaala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo oo a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee argagixisadu ay sida gaadmada ah ugu laayeen mid ka mid ah hoteellada ku yaala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo oo aan muddooyinkan looga baran inuu ka tacsiyadeeyo qaraxyada Muqdisho ayaa qoraal tacsi ah oo degdeg ah soo dhigay barta Facebook ee Villa Somalia, kaddib markii bartiisa gaarka ah ee Facebook uu soo dhigay Muuqaal iyo qoraal kan ka horreeyayoo looga hadlayay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, kaasoo dad badan ay falcelin iyo cambaareeyn xooggan u jeediyeen, iyadoo markii dambe laga saaray qoraalkaas. Qoraalkan tacsida ee Barta Facebook ee Villa Somalia ayaa sidan u qornaa:- Madaxweyne Farmaajo "Ujeedka ugu weyn ee argagixisadu waa in ay niyad jabiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanaya duruufaha adag”

Dhuusamareeb, Ogosto 16, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee argagixisadu ay sida gaadmada ah ugu laayeen mid ka mid ah hoteellada ku yaala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada uu leeyahay falkan arxan darrada ah maadaama cadowgu ay doonayaan in ay ku dhibaateeyaan kobaca amniga, dhaqaalaha iyo xasiiloonida Caasimadda oo dadaal badan la geliyey.

"Ujeedka ugu weyn ee argagixisadu ay u qaadayaan weeraradan gaadmada ah waa in ay niyad jabiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanaya duruufaha adag. Waa xaqiiq in qorshahoodu uu yahay mid lagu dhibaateynayo qof kasta oo Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyey.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dhammaan muwaadiniinta ku dhaawacmay weerarkan argagixisanimo, isagoona ugu baaqay shacabka in ay garab istaagaan walaalahooda ay argagixisadu dhibaateeyeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip