Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray Dhuusamareeb

0
Sunday August 16, 2020 - 21:47:07 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray Dhuusamareeb

    Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb. Wafdiga Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa Garoon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb. Wafdiga Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje iyo bulshada qaybteeda. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa intaasi ka dib waxaa loo gelbiyay Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb. Duqa Muqdisho ayaa ku biiraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Cabdi Maxamed (Lafta-gareen) oo gelinkii dambe ee Sabtidii gaaray Magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaan iyagu weli gaarin magaaladaasi. Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in weli la suggayo Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, isla-markaana aanu waxba iska bedelin sida uu qorshuhu ahaa. Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ayay tahay in Shirka Dhuusmaareeb 3 uga wadahadlaan arrimaha doorashooyinka ee dalka, si ay heshiis uga gaaraan nooc uun doorasho oo dalka ka qabsoomta 2020/21.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip