Wararkii ugu dambeeyay weerarka lagu galay Hotel Elite

0
Sunday August 16, 2020 - 21:43:02 in Wararka by
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay weerarka lagu galay Hotel Elite

    Ciidamada Dowladda Somaliya noocyadooda kala duwan ayaa gurmad ahaan u gaaray Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, oo gelinkii dambe ee maanta ay weerareen dabley hubeysan. Weerarka oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dowladda Somaliya noocyadooda kala duwan ayaa gurmad ahaan u gaaray Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, oo gelinkii dambe ee maanta ay weerareen dabley hubeysan. Weerarka oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay qaybta dambe ee Hotel Elite, oo saaran Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis, waxaana intaasi ka dib gudaha u galay dabley hubeysan. Warbaahinta Qaranka ayaa tebisay in Ciidamada Dowladda ay hawlgal ka wadaan hotelkaasi, oo ay ka dhex dagaalamayaan maleeshiyaad lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab. Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa xaqiijiyay in dableyda ay gudaha u gashay Hotel Elite, oo ka mida hoteelada loogu ilaalada badan yahay ee ku yaala Caasimadda Muqdisho. Ciidamada Dowladda ayaa dadaal ugu jira inay soo samata-bixiyaan dad ku go'doonsan hotelkaasi, mana cadda inay masuuliyiin ku jiraan iyo in kale. Boqolaal qof oo ku sugnaa Xeebta Liido ka hor qaraxa ayaa ku kala firxaday daryanka xoogan ee qaraxa. Qaraxa ayaa ahaa mid si weyn looga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah dadkii ka soo cararay Xeebta Liido ayaa Dhacdo.com u sheegay inuu arkay meydadka afar qof oo shacab ah, kuwaa oo ka ag-dhawaa hotelka la beegsaday. Agaasimihii Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Cabdirisaaq Cabdi ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay weerarka, waxaana ka tacsiyadeeyay Sii Hayaha Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye). Sidoo kale dadka kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi waxaa ka mid ah Camera-man ka tirsan Telefishinka Qaranka, oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Xuseen. Hotelka ayaa waxaa shirar ku qabsan jiray Xildhibaanada iyo Ururada Bulshada Rayidka, waxaana degan dad qurbajoog u badan, sababta loo bartilmaameedsaday ayaana sidaasi loo maleynaya. Wariye-yaasha ayaa soo warinaya in weerarkan uu yahay noociisii ugu horeeyay ee sanadkan 2020 lagu qaado mid ka mid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho. Weerarkan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, xilli labadii bilood ee ugu dambeysay habacsanaan amni laga dareemay Caasimadda Muqdisho, marka aad fiiriso sida ay u kordheen weerarada ka gaysanayaan maleeshiyada Al Shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip