DFS oo ka hadashay weerarka ka socda hotel Elite ee Muqdisho

0
Sunday August 16, 2020 - 20:10:32 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DFS oo ka hadashay weerarka ka socda hotel Elite ee Muqdisho

    Wasiirka Wasaadadda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyadeeyey geeriga agaasimihii xiriirka gobolada ee wasaaraddaasi Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi oo ku dhintay weerar ay koox hubeysan ku qaade

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaadadda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyadeeyey geeriga agaasimihii xiriirka gobolada ee wasaaraddaasi Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi oo ku dhintay weerar ay koox hubeysan ku qaadeen hotel Elite ee ku yaalla Xeebta Liido ee Muqdisho
Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa sheegay in koox hubeysan ay ka dhex dagaalamayaan gudaha hotelka.
      "Koox hubeysan oo katirsan Xagjirka Alshabaab ayaa weerar loo adeegsaday qarax iyo dabley hubeysan ku qaaday Hotel Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, rasaas ayaa hadda ka dhaceysa gudaha Hotel-ka”. ayuu yiri Oranjo.

          Qarax ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah oo wadada marayay iyo kow ku sugnaa goobtaasi, sidoo kale dadka dhintay waxaa kamid ah agaasimihii waaxda xiriirka gobolada ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq cabdullaahi Cabdi.

       


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip