Xisbi uu Hoggaamiye ka yahay Amb. Daahir Maxamuud Geelle oo lagu dhawaaqay..

0
Sunday August 16, 2020 - 19:00:04 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbi uu Hoggaamiye ka yahay Amb. Daahir Maxamuud Geelle oo lagu dhawaaqay..

    Waxaa lagu dhawaaqay Xisbi uu hogagamiye ka yahay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle, kaas oo lagu Magacaabo DAN Qaran (National Interest Party. Xisbigaan ayaa waxaa uu kamid noqonayaa Xisbiyada Siyaasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lagu dhawaaqay Xisbi uu hogagamiye ka yahay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle, kaas oo lagu Magacaabo DAN Qaran (National Interest Party. Xisbigaan ayaa waxaa uu kamid noqonayaa Xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira dalka, isla markaana doorweyn ku yeelan doona isbedelada Siyaasadeed ee ka jira dalka,waxaana Xaruntiisa Dhexe ay ku taallaa Magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in uu buuxinayo dhamaan shuruudaha Xubunimo ee ku cad Sharciga dalka si uu uga qeyb qaato tartanka Siyaasadeed si loo gaaro himilooyin Qaran. Ambassador, Daahir Maxamuud Geelle oo ah Milkiilaha Warbaahinta Risaala ayaa labo wasiir ka soo noqday Xukuumaddii Kheyre ee la riday,isagoo markii dambe shaqada uga digay kala aragti duwanaasho uu sheegay inuu kala dhaxeeyo hoggaanka Dowladda. Xisbigan cusub ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegay inuu xarumo ka furanayo gobolada dalka,iyadoo u furan tahay in qofkasta uu xubin ka noqdo. Soomaaliya ayaa xilligan u muuqato mid isku rogeyso nidaamka Xisbiyada badan, maadama doorashada la filayo iney noqoto doorasho qof iyo cod ah.
    Hoos Ka Akhriso U jeedka loo Aas’aasay Xisbiga DAN Qaran (National Interest Party.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip