Faah faahin:-Wasiir Goodax Barre oo ka badbaaday Qarax lala eegtay

0
Sunday August 16, 2020 - 13:40:54 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin:-Wasiir Goodax Barre oo ka badbaaday Qarax lala eegtay

    Siihayaha wasiirka waxbarashada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cadullaahi Goodax Barre ayaa la sheegay in qarax lagula eegtay Gobolka Gedo, waxaana la sheegay in qaraxaas ay waxyeelo kasoo gaartay mas'uuliyiin la socday wasiirka. Wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siihayaha wasiirka waxbarashada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cadullaahi Goodax Barre ayaa la sheegay in qarax lagula eegtay Gobolka Gedo, waxaana la sheegay in qaraxaas ay waxyeelo kasoo gaartay mas'uuliyiin la socday wasiirka. Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaan la socday wafdiga uu ku dhaawacmay weerarkaas, waxaana la sheegayaa in goobta uu qaraxu ka dhacay ay gaareen ciidanka ammaanka iyagoo halkaas baaritaanno ka billaabay. Kolonyada ayaa la sheegya in qaraxa miinada lagula eegtay degaanka lagu magacaabo Uunsi oo 15km u jira Beled Xaawo. Kolonyada ayaa la sheegay inay ka baxeen magaalada Doolow ayna kusii jeedeen magaalada Beled Xaawo markii qaraxu dhacay. Siihayaha wasiirka waxbarashada iyo wafdigiisa ayaa maanta u ambabaxay Gobolka Gedo, waxaana socdaalka ku weheliyay Socdaalka Goodax Barre mas'uuliyiin sar-sare oo dowladda ka tirsan. Ujeedka Wasiir Goodax Barre ee Doolow ayaa waxaa uu yahay sidii uu halkaas uga dhagax dhigi lahaa goobo waxbarasho oo qeyb-ka ah mashruuca hormarinta dugsiyada waxbarshada dalka. Hay'adaha amaanka iyo maamulka Jubaland kama hadal qaraxa la sheegay in lala eegtay siihayaha Wasiirka waxbarashada XukUumadda federaalka Soomaaliya.
....



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip