Israa'iil oo duqeymo Cusub ku bilowday Kooxo hubeysan

0
Sunday August 16, 2020 - 13:40:54 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil oo duqeymo Cusub ku bilowday Kooxo hubeysan

    Ciidamada Israel ayaa Axadda maanta ah bilaabay duqeymo cusub oo dhanka cirka ah oo ay ku weerarayaan fariisimaha kooxda Xamaas ee marinka Gaza, waxayna xireen aagga kaluumeysiga ee kuyaala xuduudda Falastiin iyadoo taa lagaga jawaabayo gantaalo iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Israel ayaa Axadda maanta ah bilaabay duqeymo cusub oo dhanka cirka ah oo ay ku weerarayaan fariisimaha kooxda Xamaas ee marinka Gaza, waxayna xireen aagga kaluumeysiga ee kuyaala xuduudda Falastiin iyadoo taa lagaga jawaabayo gantaalo iyo qaraxyada lagu weeraro dhanka Israel. Tallaabadan ayaa timid ka dib toddobaadyo ay xiisaduhu kacsanaayeen, oo ay ka mid tahay isku dhacyo fiidnimadii Sabtidii ka dhacay xadka Gaza iyo Israa'iil, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamadu. Daraasiin Falastiiniyiin ah ayaa "gubay taayirro, waxay ku tuureen walxaha qarxa iyo bam-gacmeedyo xayndaabka amniga, iyagoo isku dayeen in ay usoo dhawaadaan," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay ciidamada difaaca Israail. Dhinaca kale, khadadka taleefannada ee u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Israel ayaa la furay Axadda maanta ah, sida uu caddeynayo wicitaan ay sameeyeen wariyeyaal ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters, waxaana arrintani ay timid ka dib markii labada dal ay asbuucii hore u dhaqaaqeen sidii ay caadi uga dhigi lahaayeen xiriirkooda diblomaasiyadeed. Ma cadda goorta la fasaxay wicitaanka telfoonnada ee laga diro Imaaraatka loona diro Israel, laakinse taariikh ahaan is-wicitaanka labada dal ayaa ahaan jiray mid xanniban.
    


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip