Wasiir Goodax Barre oo dhagax dhigay Dugsi Sare oo Cusub

0
Sunday August 16, 2020 - 14:34:05 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Goodax Barre oo dhagax dhigay Dugsi Sare oo Cusub

    Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo. Safarka Wasiir Goodax Barre ayaa waxaa ku wehlinayay xildhibaano ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo. Safarka Wasiir Goodax Barre ayaa waxaa ku wehlinayay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo mas'uuliyiin ka tirsan Gobolka, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Maamulka Garbahaareeyn iyo xubno kale. Intaas kadib Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Caasimada Gobolka Gedo ee Garbahaareey ka dhagax dhigay Dugsi Sare oo qeyb-ka ah mashruuca hormarinta dugsiyada waxbarshada dalka. Sidoo kale Goodax Barre ayaa kulan la qaatay Maamulka Magaalada iyo qeybaha kala duwan ee halkaas ku sugan, isagoona uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa. Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee Xildhibaanada labada Golle ayaa waxaa ay Garbahaareey kaga sii doonaan magaalada Luuq oo si la mid ah uga dhagax dhigo doono , Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdigiisa ayaa ugu dambeyn kusoo gabagabeyn doonaan safarkooda magaalada Balad-xaawo oo ay ka dhagax dhigi doonaan gooba kale oo lagu xoojinayo waxbarashada gobolka Gedo.
    


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip