Guddoomiye Cumar Filish oo Muqdisho ka ambabaxay

0
Sunday August 16, 2020 - 12:19:06 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cumar Filish oo Muqdisho ka ambabaxay

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba baxay Magaalada Dhuusammareeb ee xarunta Maamul Goboleedka Galmudug. Guddoomiyaha ayaa waxaa uu ka qayb gali doonaa shirka Dhuus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba baxay Magaalada Dhuusammareeb ee xarunta Maamul Goboleedka Galmudug. Guddoomiyaha ayaa waxaa uu ka qayb gali doonaa shirka Dhuusamareeb3 oo loogu madalsan yahay in uu magaaladaas ka furmo, waxaana shirkaasi ka qayb galaya madaxda Mamul Goboleedyada iyo Madxda Dowladda dhexe. Shirka waxaa horay u xaadiray mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada, iyadoo la filayo in shirku furmo. Waxaan wali soo shirka imaan mas'uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweyna yaasha Puntland iyo Jubaland, waxaana wararku ay sheegayan in ay kasoo qayb gali doonaan shirka. Guddoomiyaha Gobolka Baanaadir ayaa ku biiraya mas'uuliyiin ku sugan shirka oo ay ugu horreyaan madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka.
      


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip