Faah faahin ka soo baxeysa Qarax ka dhacay guri ku yaallo Magaalada Kismaayo

0
Sunday August 16, 2020 - 08:56:58 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin ka soo baxeysa Qarax ka dhacay guri ku yaallo Magaalada Kismaayo

    Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax xalay ka dhacay guri ku yaallo Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Maamulka Jubbaland, sida laamaha ammaanka Maamulkasi ay ku waramayaan. Qaraxaan oo ahaa miino ayaa la sheegayaa in la dhigay g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax xalay ka dhacay guri ku yaallo Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Maamulka Jubbaland, sida laamaha ammaanka Maamulkasi ay ku waramayaan. Qaraxaan oo ahaa miino ayaa la sheegayaa in la dhigay guri dabaq dhexdiisa ah, kaasi oo ku yaallo Magaalada Kismaayo, waxaana gurigaasi iska leh nin ganacsade caan ka ah Magaalada Kismaayo. Qaraxaas oo ahaa miino ayaa waxaa lagu xiray Guri Dabaq ah oo ku yaalla Xaafadda luga baxsi ee Magaalada Kismaayo, isla markaana waxaa gurigaas la ahaa Ganacsade Caan ah oo lagu magacaabo Cabdulaahi Gaari. Inkastoo Khasaare Nafeed uusan ka dhalan qaraxa ka dhacay guriga, maadaama guriga uu ahaa mid cidlo ah, ayaa Saraakiisha Ciidamada Jubbaland waxa ay sheegeen sababta gurigaasi loo qarxiyay inay tahay ninka Ganacsada ah oo diiday lacago Shabaab ay waydiisteen. Shabaab ayaa badanaa dadka ganacsatada waxa ay ka qaadaan lacago canshuur xoog ah oo ku saabsan inay bixiyaan, ganacsadihii diida inuu bixiyana, waxa ay Shabaab u adeegsadaan amniyaadkooda oo goobtiisa ganacsiga ama gurigiisa ayey ku qarxiyaan.  

          



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip