Turkiga oo xiriirka u jaraya dhigiisa Imaaraadka Carabta

0
Saturday August 15, 2020 - 20:41:29 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo xiriirka u jaraya dhigiisa Imaaraadka Carabta

    Madaxweynaha dalka Turkiga Rajap Tayip Erdigan ayaa sheegay in xukuumadiisu ay joojinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalka Isku taga Imaaraadka Carabta oo xiriir saaxiibtimo la sameystay maamulka Yahuuda ee Israel. War

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajap Tayip Erdigan ayaa sheegay in xukuumadiisu ay joojinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalka Isku taga Imaaraadka Carabta oo xiriir saaxiibtimo la sameystay maamulka Yahuuda ee Israel. War laga soo saaray xafiiska madaxweyne Erdugan ayaa lagu sheegay in Turkiga ay la baxayaan diblomaasiyiinta iyo danjirayaasha ka jooga magaalada Abu Dhabi, taas oo ay kaga jawaabayaan xiriirka cusub ee dhex maray Imaaraadka iyo Israel. Wasaaradda arrimaha dibbadda Turkiga ayaa ku tilmaantay heshiiska dhex maray Imaaraadka iyo Yahuuda mid munaafaqnimo ah oo ay cafin doonin bulshada Carabta. Afhayeen u hadlay dowladda Imaaraadka ayaa si kulul uga hadlay hadalka dowladda Turkiga, waxaana uu sheegay inay yihiin dal madax banaan yihiin oo ay cidda ay doonaan xiriir la samaysanayaan. Heshiiskaan cusub waxaa qeyb ah in Yahuuda dhul boobka ka dayso dhulka Falastiin gaar ahaan Daanta Galbeed. Imaaraadku waa dalkii sadexaad oo Carbeed oo xiriir la sameysta tan iyo sanadkii 1979 waxaana ka horeeyay Masar iyo Jordan.
     


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip