Xukuumadda Trump oo jabisay rikoorka duqeymaha Soomaaliya ee xukuumadahii ka horreeyay.

0
Saturday August 15, 2020 - 20:16:53 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Trump oo jabisay rikoorka duqeymaha Soomaaliya ee xukuumadahii ka horreeyay.

    Xukuumadda Donald Trump ayaa rikoor cusub u dhigtay labadii xukuumad ee ka horreysay, waana arrin la xiriirta duqeymaha ay taliska Africa ee Mareykanka ka geystaan gudaha Soomaaliya. Taliska Donald wuxuu Soomaaliya u aqoonsaday dal ay c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Donald Trump ayaa rikoor cusub u dhigtay labadii xukuumad ee ka horreysay, waana arrin la xiriirta duqeymaha ay taliska Africa ee Mareykanka ka geystaan gudaha Soomaaliya. Taliska Donald wuxuu Soomaaliya u aqoonsaday dal ay colaadi ka jirto sanadkii lasoo dhaafay, waxeyna xukuumadiisa fulisay 63 duqeymo dhanka cirka ah waana middii ugu badneyd inta la xasuusto tan iyo sanadkii 2007. Taliska mareykanka ee Africa waxey qirteen iney 7-da bilood ee laga gudbay sanadkaan 2020 kaliya ay sameeyeen 43 duqeymo dhanka cirka ah, waana in ka badan hal intii la sameeyay 2007-2017.              29-kii July ayaa ugu dambeysay duqeyn ay ka sameeyaan, waxaana bartilmaameed looga dhigtaa kooxaha argagixisada, walow mararka qaar ay dad aan waxba galabsan waxyeelo kasoo gaarto.

         Hay’adda Amnesty International ayaa warisay in 21 qofood ay ku dhinteen, 11-kalana ay ku dhaawacmeen duqeymaha taliska Africa ee mareykanka, walow taliska uu kaliya qirtay iney 5 qofood dileen 13-kii sano ee lasoo dhaafay.

              Dhinaca kale shirkadda Airwars oo qiimeysa dhibaatooyinka soo gaara muwaadiniinta ayaa sheegtay in dadka ay waxyeelada soo gaartay ay gaari karto ilaa 145 qof.

Inkastoo aqalka cad ee mareykanka ay amreen in magdhaw la siiyo dadka ay waxyeelada soo gaartay, hadana warbaahinta waxey warisay ineysan jirin cid la siiyay lacagta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip