Maxaa ka jira in AFRICOM saldhig ka samaysanayso Magaalada Boosaaso?.

0
Saturday August 15, 2020 - 19:00:22 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka jira in AFRICOM saldhig ka samaysanayso Magaalada Boosaaso?.

    Wararkakaimaanaya dalka Jabuuti ayaa shaaciyey in Madaxweynaha DG Puntland, Saciid C/llaahi Deni uu Kulan Qarsoodi ah la yeeshay Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika ee AFRICOM, General Stephen Townsend.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkakaimaanaya dalka Jabuuti ayaa shaaciyey in Madaxweynaha DG Puntland, Saciid C/llaahi Deni uu Kulan Qarsoodi ah la yeeshay Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika ee AFRICOM, General Stephen Townsend.         Shirkaasi oo ka dhacay Saldhigga Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin Jabuuti ayaa waxay labada Mas’uul ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa Iskaashigooda ku aadan Hawlgalladda ka dhanka ah Dagaalamayaasha Alshabaab iyo kuwa Daacish ee ku sugan Deegaanadda Puntland.

            Labada dhinac ayaa isku af-gartay inay Taliska Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM Saldhig ka dhigtaan meel ku dhow Garoonka magaalladda Bosaaso, si ay uga fuliyaan Hawlgalladda Duqeynta ee ay ka fuliyaan gudaha Puntland.

           Ciiddanka AFRICOM iyo Ciiddanka Gaarka ee Ammaanka Puntland ee PSF ayaana la sheegay inay si wadajir ah uga hawlgeli doonaan Saldhiga cusub ee Taliska AFRICIM ka furan doonaan agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Bosaaso.

        Dhanka kale heshiiska ay Madaxweyne Deni iyo Taliyaha ARICOM ku wada gaareen dalka Jabuuti waxa uu ka dambeeyey, kadib, markii ay labada Mas’uul kulan ku yeesheen Puntland bishii Feberaayo 13-dii ee sanadkan.


 

     Xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip