Wasiir ka tirsanaa Puntland oo Garoowe ku geeriyooday

0
Saturday August 15, 2020 - 17:49:39 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ka tirsanaa Puntland oo Garoowe ku geeriyooday

    Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland, Maxamed Xasan Ciise ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaalka Qaranka, ee ku yaala Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland. Geerida Marxuumka, waxaa xaqiijisay Madaxtooyada Puntland, waxaana ka tac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland, Maxamed Xasan Ciise ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaalka Qaranka, ee ku yaala Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland. Geerida Marxuumka, waxaa xaqiijisay Madaxtooyada Puntland, waxaana ka tacsiyeeyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash). "Madaxweynuhu waxa uu Alle (SWC) uga baryey marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna ka siiyo shacabka Puntland iyo ehelkiisiiba." Ayuu yiri Axmed Karaash.        Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanaa Garoowe, ka dib markii ay neefsashadu ku adkaatay, xilli isla saaka la doonayay in loo soo qaado dhanka Magaaalada Muqdisho.

     Xilka Wasiiru Dowlaha waxaa loo magacaabay21-kii October 2019, waxaana uu Xafiiska hayay muddo sagaal bilood iyo maalmo ah.

Maanta ayaa lagu wadaa marxuumka in lagu aaso Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip