Dowladda Soomaaliya oo dib usoo celisay maxaabiis ku xirnayd Tansaaniya

0
Saturday August 15, 2020 - 12:27:05 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo dib usoo celisay maxaabiis ku xirnayd Tansaaniya

    Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay Maanta Dalka dib ugu soo celiso17 muwaaddin oo midi ay tahay haween, kuwaas oo u badnaa maxaabiis laga soo daayay xabsiyo kuyaalla Tanzania. Maamulaha hay'adda IOM u qaabbilsan illaalin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay Maanta Dalka dib ugu soo celiso17 muwaaddin oo midi ay tahay haween, kuwaas oo u badnaa maxaabiis laga soo daayay xabsiyo kuyaalla Tanzania. Maamulaha hay'adda IOM u qaabbilsan illaalinta iyo caawimaadda muhaajiriinta, Isaac Munyae ayaa sheegay in ay qorsheynayaan howlo gudaha Dalka Soomaaliya looga fidinayo muhaajiriinta laga soo celiyo xabsiyada Caalamka.               Howlaha lagu daayay maxaabiista ayaa waxaa gacan ka geystay Ergayga gaarka ah ee xuquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Dalka Ambassador, Maryan Yaasiin , Wasaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, hay’adda IOM Somalia iyo Tanzania iyo Safaraadda Somaaliyeed ee Dalka Tanzania.

       Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay munaasabadda loo sameeyay Dadka la soo celiyay ayaa uga mahadceliyay hay’adihii juhdiga iyo dedaalka ku bixiyay soocelinta Dadkan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip